“Waa maalin wayn oo aynu yeelanay saaxiibo rasmiya oo maalgashanaya dalka nabadgelyadiisana wax wayn ka taraya”.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa ku tilmaamay mid ka baxsan dimuqraadiyada iyo sharciga dalka u yaalla fawdadii iyo qaskii xildhibaanno ka tirsan ka tirsan xisbiga WADDANI ka sameeyeen fadhigii wadajirka ahaa ee labada gole ee baarlamaanku yeesheen maanta ee lagu ansixiyay heshiiskii xukuumaddu la gashay dalka Imaaraadka Carabta ee saldhiga millatari lagaga hirgelinayo madaarka magaalada Berbera.

Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay nasiib-darro tahay, kana xun yihiin in guddoomiyaha Golaha Wakiillada ceeb ku tahay in uu ka baxo fadhigii labada gole yeesheen.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in ay ahayd qorshe xisbiga WADDANI isku ogaayeen in ay arbushaan fadhgaas.
Wasiirka Warfaafinta oo warbaahinta la hadlay fadhigii wadajirka ahaa ka dib, ayaa sheegay in madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland u mahadnaqayo xildhibaannadii ansixiyay heshiiskan, waxaanu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu u mahadnaqayaa labada gole ee baarlamaanka Somaliland (Guurtidda iyo Wakiiladda) oo si aqlabiyada oo aan hore loo arag ku ansixiyay in saldhiga Berebera aan ka kirayno wadanka Imaaraadka Carabta oo faa’iidooyin faro badani ugu jiraan qaranka Somaliland.”
Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid, waxa uu sheegay inay tahay maalin weyn oo Somaliland samaysatay saaxiibo caalamiya, “Waa maalin wayn oo aynu yeelanay saaxiibo rasmiya oo maalgashanaya dalka nabadgelyadiisana wax wayn ka taraya,iyo maashiic aad u faro badan,maanta (shalay) waxa fadhiga ka joogay 147 xildhibaan, 144 way ogolaadeen heshiiskaas, 2 Mudane way diideen, guddoomiyuhuna muu codayn,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu bogaadiyay Mudaneyaal ka soo jeeda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu ku sifeeyay inay xisbinimo ka doorbideen danta dalka, waxaanu yidhi, “Waxa ku jiray xildhibaannada codeeyay 28 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga WADDANI oo arkay faa’iidada uu saldhigani u leeyahay Somaliland, waxaanay ka doorbideen xisbinimo aayaha iyo mustaqbalka Somaliland,madaxweynaha Somaliland aad ayuu ugu mahadnaqayaa mucaarad iyo muxaafidba.”

Wasiir Caddaani wuxuu beeniyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiye Cirro oo sheegay in la jidh-dilay Mudaneyaal ka tirsan xisbigiisa, waxaanu yidhi, “Xildhibaanadii ka dareeray Golaha ee uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ceeb ayay ku tahay iyadoo ay fadhiyeen 150 mudane Golaha waa arran ayaan darro ah oo aanu aad uga xunahay dhawr xildhibaanna ma afduubi karaan Golaha baarlamaanka. mana joojin karaan mana xidhi karaan oo ahayd qorshe ay gaadheen xisbiga WADDANI in golaha la xidho oo aanu codayni ka dhicin. waxa aanu leenahay waa mid aan dimuqraadiyad ahayn oo ka baxsan nidaamka dimuqraadiyada iyo qaranimada aynu ku shaqayno cid jidh-dil lagu sameeyayna ma jiro waa wax khuraafaad iyo been ah.”