Nuxurka Shan Qodob Oo Kasoo baxay Wada-hadalladii Somaliland Iyo Khaatumo Uga Socday Djibouti

0
1234

Waxa si wada jir ah Loo Cambaareeyey Falkii ay Maleeshiyada Hubaysani Hoggaamiye Cali Khaliif Ugu Geysteen Madaarka Buuhoodle.

Wada hadalkii mudada dhawrka cisho ah dawlada Somaliland iyo hoggaanka kooxda Khaatumo uga socday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, ayaa soo dhammaaday, waxana laga soo saaray qoddobo dhawr ah oo ay labada dhinac iskugu soo dhawaadeen.

Kulankan ay labada dhinac ku wada hadlayeen ayaa waxa goob joogayaal ka ahaa Lix Xubnood oo ka kala socda dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo isla markaana ay

kala hogaaminayeen gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Prof Cali Khaliif Galaydh oo ah horjoogaha kooxda Khaatumo.

Waxaana shirkan kasoo baxay qodobo dhawr ah, waxaana nuqul kamid ah soo gaadhay wargeyska Hubaal uu dhignaa sitadan:

  1. Waxa dib u eegis lagu sameeyey heshiiska 11 qodob ka koobaan ee Addis-ababa 21-12,2016 waxii hirgalay iyo waxii aan hir galin.
  2. In taakulaynta iyo gurmadka abaaraha Somaliland iyo Khaatumo iska kaashadaan kana wada shaqeeyaan.
  3. Waxaanu ugu baaqaynaa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Maxxaliga ahba inay si deg deg ah uga hawl galaan deegaanadaasi,abaaraha iyo horumarin la’aanta jirta awgeed.
  4. In shirka guddiyada wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo lagu qabto Jabuuti 20.3.2017.
  5. Waxaanu si wada jir ah u canbaareynaynaa falka nabad galiyo xumida iyo khal-khal galinta ahaa ee Puntland ka fuliyeen madaarka magaalada Buuhoodle 5.2.2017,waxaanu usoo jeedinaynaa inay ka waantowdo falkaas Foosha xun iyo farogalintaba.