Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland oo ka Hadlay Shirar ay la Yeesheen Dawladda Ethiopia

0
1058

Wasiirka arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka xog waramay nuxurka safar ay dhawaan ku tageen dalka Itoobiya, kaasi oo ay kula kulmeen Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Sidoo kale Wasiir Sacad waxa uu ka hadley kulan uu dalka Jabuuti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibada iyo arrimaha gudaha dalka Jabuuti.

Wasiirku oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anaga oo ah wafti ballaadhan ayaanu la kulanay maalintii shalay Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya iyo la taliyayaashiisa, waxaanu ka wada hadalnay sidii loo adkeyn lahaa xidhiidhka labada dal, iyo sidii leysaga kaashan-lahaa arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha nabad-galiyada, dhaqaalaha iyo bulshada, waxaanu ahaa kulankani mid aanu hore ula kulanay, ra’iisal wasaaraha oo ay nagu waheliyaan gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, iyo Axmed Xaaji Daahir xubin ka tirsan xisbiga KULMIYE. shirkaasina si wanaagsan ayuu noogu dhacay oo noogu dhamaaday.”

Dr. Sacad waxa uu intaas ku daray “Cilaaqaadka inaga dhaxeeya inaga iyo Itoobiya waa mid taariikhiya oo qoto-dheer, kuna saleysan labadeenaba nabad-galiyadeena iyo horumarkeena, dhab ahaana maaha mid u dana labadeena wadan oo kaliya laakiin waa mid u dan ah wadamada gobolka oo dhan, ilaa hadana wax saldhig milatari ah oo aanu cid la saxeexanay ma jirto, umad walibana danteeda ayay ka talisaa, arrinta saldhiguna arrin qaran oo kaliya maaha ee waa arrin gobol, Jabuuti iyo Itoobiyabana waanu ka wada hadalney, waananu ku wargalinay waana arrimaha loo baahan yahay in laga wada socdo heer gobol, siyaasad wanaaga ayaa sidaasa, waanay nagu tixgalinayaan wixii aynu inagu go’aankeeda iska leenahay, inaguna waa aynu tix galineynaa dhab ahaantii wixii dano ah ee Jabuuti iyo Itoobiyaba kaga xidhan waananu ka wada soconaa maadaama aanay jirin wax hishiisa oo aynu ilaa imika cid la saxeexanay.”

Dhanka kale, wasiirku waxa uu ka hadley kulan dhex-maray isaga iyo madaxda dalka Jamhuuriyada Jabuuti waxanu yidhi “Waxaan sidoo kale intii aan ku sugnaa dalka Jabuuti aan la kulmay wasiirka arrimaha dibada iyo ka arrimaha gudaha iyo madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele, waxaananu ka wada hadalney sidii loo xoojin lahaa cilaaqadka inaga dhaxeeya inaga iyo Jabuuti, waxaaanu ka wada hadalney arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada wadan, ilaalinta iyo sugida nabad-galiyad, dhaqaalaha, dhanka bulshada, iyo dhinacyo kale oo dhab ahaantii faro badan, si wanaagsan ayayna noo qaabiileen madaxda Jabuuti.”

Weftigan waxa Hoggaaminayay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka duulista iyo hawada mudane Farxaan Aadan Haybe iyo Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaaji Maxamuud Xiir-faratoon.

Waxaanu Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire uu sheegay in kulankii ay la qaateen ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn uu ahaa mid guul iyo is afgarad wanaagsan ku soo dhammaaday.