Doorashada Farmaajo Iyo Farriinta Ay Somaliland U Siddo

0
1312

Doorashadii xalay ee dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya loogu doortay madaxweynaha cusub ee dalkaasi yeelan doono Md. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa fariin cad u diraysa jamhuuriyadda Somaliland, waxana dareenka bulshadu ka qabto madaxweynaha cusubi u muuqdaa mid la iskugu baraarujinayo go’aankii lagaga tashan lahaa hoggaamiyaha cusub.

Dareenka ugu weyn iyo sawirka ku lammaan ee laga qaadan karo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya yeelatay oo ah siyaasi taageero laxaad leh ka haysta bulshada reer Soomaaliya, isla-markaana loo tuhmayo inuu leeyahay awood hoggaamineed iyo farshaxanimo uu hankiisa kaga midho dhalin karo, ayaa ah mid ay ka muuqato baahida Somaliland u qabto inay ka diyaar garowdo oo ay doorashadeeda madaxtinimo ee soo socota kusoo saarto siyaasi adag oo hal adag oo hoggaamintiisa la isku hubo.

Saddexda murrashax ee u taagan inay madaxweyne ka noqdaan Somaliland oo kala ah Eng. Faysal Cali-waraabe, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa iyaguna ah masuuliyiin kartidooda iyo halkaraanimadoodaba la tijaabiyey, isla-markaana si cad loogu kala yaqaanno mid waliba heerka awood hoggaamineed ee uu leeyahay, waxana marka laga fal celinayo dareenka bulshada muhiimaddu tahay inay hoggaamiyaha kaliya ee u dhigmi kara ama la gorgortami kara madaxweyne Farmaajo uu yahay guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo bulshadu ku tuhunsan tahay awood hal adaygnimo oo uu ugu babac dhigi karo masuuliyiinta noocan oo kale ah.

Hoggaaminta adag ee bulshadu u tuhmayso inuu hibo u leeyahay guddoomiye Muuse Biixi, ayaa baahi weyn loo qabo inay tahay midda lagu qaabili karo ee la tartami karta, maadaama tan iyo burburkii Soomaaliya aanu mar kaliya hoggaanka qabanin siyaasiyiin awood hoggaamineed iyo diblomaasiyad heerkeedu sarreeyo leh.

Marka la eego hoggaamiyaha cusub ee ay Soomaaliya yeelatay,Somaliland jidka ku soo baxay waa mid aad iyo aad u adag, waxaana loo baahan yahay qof gudaha Somaliland aad u bislayn kara, isla-markaana keeni kara maxsuul Somaliland dadkeeda midaynaya, isla markaana leh istaraatijiyad dalka dadkiisa la iskugu keenayo, laguna dhisayo ciidan qarran oo awood leh.

Muuse Biixi, ayaa ah hoggaamiyaha kali ah hibo u leh karti iyo haybad uu bulshada ku midayn karo, isla-markaana bulshada reer Somaliland ka difaaci kara tallaabo kasta oo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo xidhiidhka ah oo ka timaadda hoggaanka cusub ee Soomaaliya yeelatay oo aragtidiisu durugsan tahay sida ka muuqata waddadii dheerayd ee uu soo maray iyo sida uu dadka dalkiisa ku nool quluubtooda u kasbaday.

Dhinaca kalena madaxweynaha cusub ee Soomaaliya yeelatay, ayaa khudbaddii ugu horraysay ee markii uu guulaystay jeediyey ku sheegay inuu midnimada Soomaaliya ka shaqaynayo, taas oo dadka reer Somaliland u arkaan mid uu iyaga ula jeedo oo uu soo qaddimay qorsheyaal hoose oo uu leeyahay.

Inkasta oo ay shacabka u taallo cidda ay dooranayaan, haddana marka la eego sida uu xaalku yahay waxa baahi weyn loo qabaa in bulshadu ay maanka ku hayso inay u daymo lahaadaan hoggaanka cusub ee ay Soomaaliya yeelatay oo u baahan in qorshihiisii la samaysto.