Dalabkii Madaxtooyada, Jawaabtii Saleebaan, Dooddii Cirro iyo Gunaanadkii Madaxweyne Siilaanyo

0
1464
Axmed Maxamed, Cabdiraxmaan Maxamed, Baashe Maxamed, Cabdiqaadir Maxamed, saleebaan Maxamuud, Cali Aw Yuusuf Iyo siciid Jaamac

Madaxtooyadda Somaliland, ayaa kulan ay shalay ku wajahay Shirguddoonka labada Gole Baarlamaan kagala hadashay arrimo la xidhiidha Saldhigga Millateri ee Xukuumaddu kula heshiisay dawladda Imaaraadka inay ka siinayso Berbera, isla markaanna sida uu Ogaal ka soo xigtay ilo ku dhawdhaw dhinacyadaa waxay labada dhinac isdhaafsadeen aragtiyaha ay ka qabaan Barnaamijkaa Saldhigga.

Sida ay ila-wareedyadaas Wargeyska Ogaal helay tibaaxeen kulankaa waxa dhanka Xukuumadda ka fadhiyey Madaxweynaha Axmed-Siilaanyo, Wasiirka Madaxtooyada iyo xubno kale, halka Shirgudoonka labada Aqalna ay Xogahaasi sheegeen inay ka fadhiyeen Xubnaha hoggaaminta labada Guri oo ay hormood ka ahaayeen Guddoomiye Saleebaan iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro.

Xogahaasi siday tilmaameen Madaxtooyadu waxay kala hadashay Shirguddoonnada Baarlamaanka heshiiska Saldhigga Millateri ee ay la gaadheen Imaareedka, kaasoo ay ku timaameen mid muhiim u ah dan ahaan Somaliland, isla markaana waxay u qaddimeen in ay u soo gudbin doonaan heshiiska, si ay u ansixiyaan. Waxa kale oo siday ilahaasi tibaaxeen sharraxaad laga siiyay guud ahaan heshiiska, isla markaana waxa loo jeediyay ama laga codsaday in la fududeeyo ansixintiisa.

Geesta kale, Shir-guddoonka labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiillada, ayaa jawaabo ka bixiyay Barnaamijka Saldhigga Millateri ee Xukuumaddu ansixinta u raadinayso. Siday iftiimiyeen ilo-wareedyada uu Ogaal soo xigtay Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan jawaabta uu arrinkaa ka bixiyay, waxay u dhacaysay, in heshiiska dood la gelin doono ka dib marka Madaxtooyadu u soo gudbiso Golayaasha, isla markaana aan layska ansixin doonin iyadoo aan dood la gelin.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa xogahaasi sheegeen in uu halkaa ka dhiibtay jawaab nuxurkeedu ahaa; in Mucaarad ahaan ay mawqif kooda Mashruucaa ku saabsan caddeeyeen, isla markaana aanay Xukuumadda rabitaankeeda ku raaci karin ee ay ka soo hor jeedaan.

Gunaanadkii kulankaas, ayaa sida ay xogahaasi tusmeeyeen, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo u sheegay Shirguddoonka labada Gole ee Baarlamaanka, in loo soo gudbin doono heshiiska, isla markaana uu Isna Madaxweyne ahaan hor iman doono 12 ka bishan Fadhiga wada-jirka ah ee uu bilawgii toddobaadkan qoraalka kaga dalbaday inay yeeshaan Mudanayaasha labada Gole.

Xogaha Warkan Wargeyska Ogaal ka helay, ka sokow ma jiraan warar madax-bannaan oo si toos ah uga soo baxay kulankaas iyo dhinacyada ka qaybgalay toona. Madaxtooyada Somaliland ayaa maalmahanba wadday olole ay tiqo ugu raadinayso heshiiska Saldhigga Millateri, iyadoo dhanka kale ay isa soo tarayaan dhawaaqyada Mucaaradka ku ah ee ka digaya Saldhigga Millateri. Illaa hadda lama oga qodobbada heshiiska Saldhigga ay Xukuumaddu la gashay dawladda Imaaraadka, isla markaana waxa la dhawrayaa Bandhigiisa marka la horgeeyo Golayaasha Sharci-dejinta.