Hoggaanka KULMIYE oo Kulan la Yeeshay Wefti ka Socda Dalka Czech Republic

0
834
Weftiga Czech Republic ee uu Hogaanka Kulmiye la Kulmay

Hoggaanka xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa kulan la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Jamhuuriyadda Czech (Jeek) ee ku yaal qaaradda Yurub oo socdaal ku yimi Somaliland.

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta kale ee xisbiga, ayaa xarunta xisbiga ku qaabilay maanta weftiga ka socda Czech oo ka kooban siyaasiyiin qaarkood xilal ka hayaan dawladda, khubaro aqoonyahanno ka socda jaamacadaha ah iyo ganacsato ka socota dalkaasi, kuwaas oo hore ula kulmay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo.

Weftigan oo uu hoggaaminayo Mr. Hynek Kmoní?ek Ergayga guud ee siyaasadda Arrimaha Dibadda kala taliya Madaxweynaha dalka Czech, waxay masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ka wadahadleen xaaladaha guud ee Somaliland, siyaasadda, ammaanka, dhaqaalaha, dimuqraadiyadda iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan Somaliland.

Guddoomiye Maxamed Kaahin waxa uu sharraxaad dheer ka siiyey weftiga taariikhda uu soo maray dalka Somaliland iyo halka uu joogo waqtigan ee guulaha uu gaadhay ah dhinacyada horumarka iyo siyaasadda, gaar ahaana waxa uu uga xog-warramay hannaanka dawladnimo iyo nidaamka dimuqraadiyadda xisbiyada badan ee Somaliland la isku beddelo talada dalka, kaas oo noqday tusaale ifaya oo Somaliland iyadoo aan la aqoonsanayn ay kaga horreyso inta badan waddamada Gobolka.

Md. Maxamed Kaahin waxa kaloo uu u iftiimiyey weftigan sida beesha caalamku u hagratay shacabka reer Somaliland iyo baahiyaha ay dal ahaan qabaan, waxaannu si gaar ah uga codsaday dawladda Czech inay ka qaybqaadato taageerada qaddiyadda Somaliland, isagoo xusay in Somaliland aad u danaynayso inay xidhiidh qoto dheer la samayso waddanka Czech oo isaga hore ay u kala go’een dalka kale ee la yidhaa Slovakia oo la isku odhan jiray Czechoslovakia.

Ugu dambayntii, weftiga ka socda Jamhuuriyadda Czech ayaa iyaguna dhankooda sheegay inay u socdaan xaqiiqo raadin ay doonayaan inay xogogaal uga noqdaan dalka Somaliland iyo xaaladihiisa, isla markaana socdaal ay ku soo mareen dhawr gobol intii ay joogeen ay ku soo arkeen waxyaabo badan oo aad u soo jiitay, waxaanay ballanqaadeen in xidhiidhka iyo booqashadoodu aanay noqon doonin mid halkaa ku istaagta ee ay sii wadi doonaan.

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed waxa ku wehelinayey kulanka Afhayeenka xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Cali Maxamed Cali oo ka mid ah saraakiisha xisbiga.