U Hiili Naftaada – W.Q. Hibo Ciise Maxamed

0
1957

Markaad tahay qof uu Alle (SW) ku abuuray kawnkiisan, isla jeerkaasna ku manaystay caqli waa in aad yeelataa Hami & Hiigsi. adiga oo aan cidna u daba fadhiisan inaad rumayso ahdaaftaada ha noqdaan kuwo aduun iyo dabcan kuwo aakhiro.

Waxa jira dad badan oo u noqda nolosha dhibanayaal. taasi waxaan ula jeeda in ay noloshooda ka dhigaan tu ku xidhan qorshe qof kale dajistay ama jid ruux kale jeexday si uu u maro dabadeedna siday jidkaa u socdaan uu kaga dhamaado meel aanay doonayn amaba aan la mahadin.

Waxa kaloo jira in badan oo aan noloshooda masuuliyad ba iska saarin. Tusaale waxaad in badan aragtaa qof waalidkiisa la nool isagoo da,diisu 20 jir kor u dhaaftay kana raba mariin & masruufba haddii uu ka waayana iska cadhoonaya!

Waxa jira iyaguna hablo badan oo dhalinyaro ah oo wax bartay in badana soo baranayay oo marka ay dugsi sare ama jaamacadda heerka koowaad shahaado ka qaataan sugaya uun in la guursado oo aan indho & dhago kaleba lahayn. Guurku waa muhiim lakiin se waa in aad si waafi ah uga fakartaa halkaad talaabada u qaadeyso iyo waxa kaaga horeeya.

Iyana waxaan meesha ka madhayn Rag inta ay reero dhistaan haddana iska hurda oo doonaya inay jiifka wax kasta ku helaan taasi oo ugu danbeyntii keenta burbur qoys amaba dayac ku yimaada ubadkooda.

Haddaba waa inaad cindiga ku haysaa  in aaney xisaab la,aan waxba  shaqeynin, hadday dhacdana aaney kusii waarin, wax wal oo mas,uul lagaaga dhigay waxay kusoo idlaadaan uun xisaab gaw lagu siiyo, haddii aanay jirin taasina waa jaantaa rogan oo makhluuq oo dhan xisaabaa u danbeysa. Haddii aanad naftaada xisaabin oo aanad u dhigin qorshayaal aad hadhaw ka shidaal qaadato ogow waxaad tahay dhibane ka mid ah dhibanayaasha nolosha iyo aakhiraba.

Haddaba akhriste u hiili naftaada adoo uga hiilinaya

  • cibaadada & Alle ka cabsiga oo aad caadeysato.
  • noloshaada iyo qorshayaashada oo aad qof kale ku xidho iyo
  • wakhtiga malaayacniga kaaga dhacaya.

Turunturooyinka noloshu way badan yihiin lakiinse ogow inay yihiin casharo laguugu talo galey si aad wax badan u ogaato, kaligaana maahee qofkasta oo aduunkan ku dul uumanba wax buu la daala dhacayaa haba lakala badsadee.

U HIILI NAFTAADA…U HIILI NAFTAADA…. U HIILI NAFTAADA

Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.com