Nuxurka kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Madaxweynaha Djibouti

0
937

Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan ay wada yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele.

Dr Sacad Cali Shire ugu Horeyn isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi

“Waxan halkan uga mahad celiya golaha wasiirada Jabuuti, Madaxweynaha iyo saraakiishii kale ee na qaabishay, sida qadarinta leh ee ay noo soo dhaweeyeen, waxaanu madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti ka wada hadaley arrimo badan, sida nabad-galiyada, siyaasada, dhaqaalaha, iskaashiga iyo wax wada qabsiga, iyo sidii dhibada loogu aasilaha hishiis qoto dheer oo laga gaadho arrimahaasi, waana wadan aynu wax badan oo dhanka horumarka ah aynu kaga dayan karo”

Sidoo kale wasiirku waxaa uu kulan la qaatay wasiirka arrimaha gudaha jamhuuriyada Jabuuti mudane Xasan Cumar Maxamed oo uu wahelinayay taliyaha guud ee ciidamada booliska Korneyl Cabdilaahi Cabdi Faarax waxaanay kaga wada hadleen sidii abniga labada wadan looga wada shaqeyn lahaa