Madaxweyne    ku   xigeenka  Jamhuuriyadda  Somaliland,    Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa   ka qayb galay   munaasibad lagu muunaynayay gunaanadka   30-ka jis ee tafsiirka   quraanka kariimka ah oo laga khatimay   idaacada quraanka kariimka iyo Telefishanka qaranka, iyadoo dib loo bilaabi doono casharka tafsiirka quraanka idaacadda quraanka iyo SLNTV.

Munaasibadan    oo   shalay    lagu qabtay xarunta wasaarada warfaafinta iyo wacyigalinta, waxa kaloo ka  soo qaybgalay Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta iyo Diinta iyo Awqaafta,  culimo, masuuliyiinta iyo  shaqaalaha wasaarada warfaafinta.

Madaxweyne Ku-xigeenka Md. Cabdraxmaan  Saylici oo  xafladaas ka hadlay, ayaa wasaaradda Warfaafinta ku bogaadiyay gudashada waajibaadka culus ee ay qaranka u hayso.

Waxa kaloo uu tafaasiil ka bixiyay ahmiyadda ay qaranka ugu fadhido taabo-gelinta diinta islaamka.

“Xafladan sharafta badan oo ah mid aynu wada waynaynayno  dhammaanteen,   waxa la wayneeyana  quraanka ayaa ugu wayn,   waxa ilaahay innoogu nimceeyay inuu  innaga dhigay  ummad islaam ah,islaamnimaduna waa nimcada ugu wayn,  quraankuna waa qawlkii ilaahay in la xuso. Waa in loo   mahad-naqo intii tabisay ee ka shaqeynaysay  waa tallaabo aad u qiimo badan,”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.

Md. Cabdiraxmaan Saylici oo hadalkiisa sii watay, wuxuu intaas ku daray, “Haddii aanu nahay xukuumadii hirgalisay idaacadda quraanka kariimka ah ee afar iyo labaatanka saacadood ku jirta hawada ee  shaqaynaysa muddo saddex sanno ah iyo dheeraad,   wasaarada warfaafintana aad ayaan ugu hambalyaynayaa hawlaha ay wado  iyadoo dhaqaalaheennu iska kooban yahay  oo shaqaaluhu qaataan wax kooban  haddana sida ay isku xil qaameen aad ayaan ugu hambalyaynayaa.”

Wasiirka  Warfaafinta    iyo   Wacyigalinta Somaliland, Md.   Cismaan   Cabdilaahi   Saxardiid   (Caddaani) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in  xukuumadda  madaxweyne siilaanyo ka go’an tahay kor u qaadista iyo xurmaynta quraanka kariimka,waxaanu xusay in gobollada  laga dhagaysto idaacada quraanka kariimka ah, waxaanu yidhi, “Xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,  waxa ay gudatay masuuliyada   iyo waajibaadka ka saaran  bulshada reer Somaliland ee  ay masuulka ka tahay,waxaanu madaxweynuhu maamuus iyo milgo huwiyay hadalka ilaahay  oo ah shayga ugu mudan in la wayneeyo.    waxa lixda gobol iyo Gabiley ka hirgalinay idaacada quraanka kariimka ah,taasi oo dadweynaha Somaliland aad iyo aad ugu farxeen iyadoo sidoo kale madaxweynuhu kor ugu qaaday xurmaynta   tartanka quraanka kariimka   ee la qabto sannad kasta bisha Ramadaan.”

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo xafladaas  ka hadlay,  ayaa sheegay in loo baahan yahay in la wayneeyo quraanka kariimka ah iyo diinteenna suuban ee islaamkaba.

“In la wayneeyo quraanka kariimka waa shay aad qiimo wayn u leh  wasaarada diinta iyo awqaaftu tacab badan ayay galisay idaacadan quraanka kariimka ah,idaacadanina waa idaacadii u horaysay ee madaxweynuhu lacagtii ku baxday soo mariyo wasaarada diinta iyo awqaafta.   waxaanan ka rajaynayaa wasaarada warfaafinta in ay ilaaliyaan idaacada quraanka kariimka ah,”ayuu yidhi Wasiir Khaliil.

Madaxa waaxda idaacada quraanka   kariimka    Sh. Maxamed    Shabeel, ayaa  xusay  in dad badani ka aflaxeen   idaacadda quraanka kariimka oo ay ka barteen tafsiirka quraanka.

“Waxa inala fadhiya dadkii ka faa’iiday quraanka kariimka ah ee ka dhammeeyay idaacada quraanka oo qaarkood dawladda u shaqeeyaan oo masuuliyiin dawladeed ku jiraan iyo dad faro badan oo kale waxa aan si wayn ugu mahad naqayaa  hawl wadeenada ka hawlgala idaacada quraanka kariimka ah,”ayuu yidhi Maamulaha idaacadda quraanku.

Waxa iyaguna ka hadlay Sh. Maxamed Sheekh Cumar Dirir iyo Sheekh Maxamuud Suufi oo ahaa labadii soo-jeediye ee tafsiirka ka kala marin jiray idaacadda quraanka iyo TV-ga qaranka, waxaanay ka hadleen xasanaadka ku jira barashada diinta iyo quraanka kariimka ah. Ugu dambayntii waxa shahaado sharafyo la gudoon siiyay xubno ka mid ah shaqaalihii ka shaqeynayay idaacadda quraanka kariimka iyo SLNTV.