Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socda Dalka Czech Republic oo ah Company-yo sameeya Laydhadhka ay habeenkii diyaaraduhu ku dagaan (Runway Lighting ) iyo Qalabka lagu hago.

Kulankaasi kadib ayaa Wasiirka Duulista Mr Farxaan oo ka war bixinaaya wixii ay ka wada hadleen Waftiga ayaa waxa uu yidhi,

“Waxa maanta aanu shirk u lahayan halkan oo iigu yimi Waftigii ka socday Czech Republic, Kombaniyadan la socday oo aanu hore xidhiidh u lahayan, marna khubaro ka tirsan Wasaarada Duulistu ay ugu tageen Wadankoda Czech Republic oo ay Warshadahooda soo bookhden, waxa ay sameeyaan, Qalabka lagu hago ama ay ku soo dagaan Diyaaraduhu, ee ah Laydhadhka lagu xidho Dhabooyinka Diyaaradaha (Runway Lighting ) iyo halka Diyaaradu istaagto , iyo Qalabka lagu hago Diyaaradaha, Company-gaasi xidhiidh fiican ayaanu lahayan, Waftigana wuu la socday, markaa maanta waxaanu ka wada hadalnay Qiimo sheeg hore oo ay noo soo direen oo runtii ku saabsanayad habkii aanu u casriyeyan lahayan ee aanu ku hamiyeyno,  Madaarka Cigaal International Airport, oo runtii shaqadiisu sii kodhayso, Diyaaradaha imanayaana ay sii kordhayan oo inooga bahaan in aynu sii  tayayno,”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wada ayaa yidhi,

“Waxaanu ka wada hadlaynay sidii aanu macaamilkaa u sii xoojin lahayn, iyo suurto galnimada in uu noqdo Madaar Habeenkii shaqeeya, oo u shaqeeya sida uu Maalintii u shaqeeyo, qodobadaas ayey ka koobnaayeen meel fiicana waanu isla meel dhignay, in Madaarkeenu ka mid noqdo Madaarrada ugu harumarsan, dhinaca amaanka iyo dhinaca soo dagista Diyaaradaha habka ay u soo degayaan, in wax badan aanu runtii ka qaban doono insha Allaa.”

Wefti ka socday Czech Republic oo Wasiirka Duulista kala Hadlay Sidii Madaarka Hargeysa u Shaqeyn Lahaa Habeenkii