Khudbad Dhinacyo Kala Duwan Khusaysa Oo Ay Marwo Luul Xasan Mataan Ka Jeedisay Madashii Ay Ku Midoobeen Hoggaanka KULMIYE Iyo Garabkii Jamaal Cali Xuseen.

“Waxaa aynu ku jirnaa waqti xumaantu ka sarrayso wanaaga,  waqti ay qabyaalladu xadhkaha goosatay, waqti wax kasta oo aad tidhaahdo si khaldan loo turjumayo, waxaana aynu ku jirnaa waqti U Baahan Dulqaad Iyo dhabar-adayg”

“Waxaa aynu ku jirnaa waqti xaasaasi ah oo xumaantu ka sarayso wanaaga, waxaynu ku jirnaa waqti ay qabyaalladu xadhkaha goosatay, waxaynu kujirnaa waqti wax kasta oo aad tidhaahdo si khaldan loo turjumayo, waxaana aynu ku jirnaa waqti waxaas oodhami u baahan yihiin dulqaadkooda iyo dhabar adaygooda, ilaahayna waxaan ka baryayaa inaynu kaga gudubno karti iyo wanaag iyo sharaf”. Sidaas waxaa tidhi Marwo Luul Xasan Mataan oo khudbad qiimo leh oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeedisay madashii Hotel Maansoor ee ay ku midoobeen Hogaanka sare ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo Garabkii NEW UCID ee Jamaal Cali Xuseen Hoggaaminayay, kaasi oo ay ka mid ahayd xubnaha laf dhabarta u ahaa wada-hadalladii labada dhinac iyo is afgaradkii laga gaadhay midowgaba.

Marwo Luul xasan Mataan waxa ay  khudbadeeda ka mid ahaa “waxaanu ku soo biirnay xilli Illaahay aynu ka baryayno in uu abaaraha innaga soo jebiyo, oo uu raxmaadkiisa innoo shubo, waa taa ay immika curteenbee, annagu waxaanu ku soo biirnay xisbiga KULMIYE lixdii bisha Feb. [Shalay] waqti ay daruuraha Hargeysa dul hoganayaan, waxaanan leeyahay sidaas ay barwaaqadu u bilaabantay ayay guusha xisbiga KULMIYEna u bilaabantay Insha allah.” ayay tidhi Luul. Waxaanay intaa ku dartay “Intaas ka dib hadalka badin maayo ee waxaan doonayaa inaan wax yar ka iftiimiyo sababta aanu ula midownay KULMIYE. Annagu waxaanu ahayn garabkii xisbiga UCID ee uu hoggaaminayay Jamaal cali Xuseen, sababta aanu Ugu soo biirnay KULMIYEna waxaa ay tahay markii aanu fiirinay hoggaamiyeyaasha iyo cidda hagaysa xisbiyada waxaanu doorbidnay inaanu kusoo biirno xisbiga KULMIYE, waayo dabkii baxaya ayaa dab lagu qabsadaa, annaguna cidda hoggaaminaysa KULMIYE ee uu gadh wadeenka ka yahay madaxweynaheena qaalliga ah Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, markaanu eegnay waxaanu ku qanacnay in xisbigani yahay kii himillada iyo hadafyada mustaqbalka ku sii hagi lahaa Somaliland”.