Maxaa Sababay in uu Cali Khaliif Galaydh Hargeysa Soo Gaadho Iyo Dareenada Ku Xeeran.

0
1042

Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo Prof Cali Khaliif uu Habeenkii xalay ahaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer isla markaana xalay halkaasi ku soo hoydey.

Saaka subaxii hore ayuuna soo gaadhey Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo Magaalada Hargeysa iyada oo si wayn loogu soo dhaweeyey markii uu soo gaadhey dhinaca bari ee Magaalada Hargeysa waxaana la dajiyey Huteel Ambasador ee Magaalada Hargeysa,

Wararka ayaa intaas ku daraya in Imaatinka Cali Khaliif uu ka dambeeyey ka dib markii maalintii shalay ahayd ay koox hubaysani ka hor istaagtey in uu ka dhoofo Madaarka Magaalada Buuhoodle loona diiday in ay halkaasi soo cago dhigato diyaaradii goobta ka qaadi lahayd.

Cali Khaliif ayaa xiligaasi ku sii jeedey Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti halkaasi oo uu kaga qayb galaayo shirka Wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Maamulkii Khaatumo oo wajigii labaad ka furmayaan dhawaan dalka Jabuuti.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cali Khaliif saaka soo gaadhay Magaalada Hargeysa si uu halkaasi uga raaco diyaaradii gayn lahayd Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti.

Cali Khaliif ayaa mudo ku dhawaad 40 sano aan soo cago dhigan Caasimada Somaliland ee Magaalada Hargeysa.