Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa  ILAAHAY ka baryay inuu ummadda reer Somaliland ka soo jabiyo abaarta ba’an ee ka taagan dalka.

Daahir Rayaale, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal kooban oo uu saxaafada ku siiyay madaarka Hargeysa, ka dib markii uu maanta dalka ku soo laabtay, isagoo muddo ku maqnaa dalka Faransiiska oo qoyskiisu deganaayeen tan iyo markii uu si dimuqraadi ah ugu wareejiyay awooda dalka  Madaxweyne Siilaanyo, bishii July 2010.

“Ilaahay roob ha inoo keeno oo ilaahay abaarta ha ka soo furto. Ilaahay ka baryaynaa roob ummadiisa anfaca,”ayuu yidhi Daahir Rayaale, waxaanu ducaas ku kabay,  “Ilaahayoow waanu ku baryaynaaye naga aqbal.”

Madaxweynihii hore waxa si diiran ugu soo dhaweeyay madaarka , saraakiil ka socday xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu Hoggaaminayay Murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),  Murrashaxa madaxweyne ku-xigeenka WADDANI iyo siyaasiyiin tiro badan oo ka mid ah kaadiriinta xisbigaas.  Waxa kale oo ka dhex muuqday soo dhaweyntaas Maayarkii hore ee caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir.

Daahir Rayaale, waxa uu Somaliland madaxweyne ka ahaa Bishii May 2002-dii illaa bishii July 2010-kii. Waxa kale oo uu ahaa madaxweyne ku-xigeenkii xukuumaddii Marxuum-Cigaal sannadihii 1997-kii illaa 3-dii May 2002.