“Yoolkayagu wuxuu yahay inaanu Buuhoodle ka soo degno, cidna Fasax uga qaadan mayno” Dr. Cali khaliif Galaydh

“Qofka hadda odhanaya halka aanu ka dhoofnay baa wax wiiqaysa, waxaan leeyahay nin waliba kaskiisa ayuu hadlaa”

Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh, ayaa maamul goboleedka Putland ku eedeeyay inay ka dambeeyeen maleeshiyadii Madaarka Buuhoodle ka hor-joogsaday inuu ka dhoofo Axaddii shalay.

Cali Khaliif, waxa uu tilmaamay  in shacabka reer Buuhoodle aanay wax shaqo ah ku lahayn tallaabadii inuu madaarka ka dhoofo loogu diiday. balse ay ku koobnayd saraakiil saadka laga siiyo Garoowe. Waxaanu sidaas ka sheegay mar uu  caawa  isagoo ku sugan Jabuuti u warramayay   shabakadda ku hadasha afka kooxda khaatumo.

“Puntland awalba col baanu ahayne, waana mid uun hor leh oo soo korodhay dee iskuna naalee,”ayuu yidhi Cali Khaliif.

Prof. Galaydh oo la weydiiyay in dadka qaar ay aaminsan yihiin in safarka uu Hargeysa kaga dhoofay ay wiiqayo mustawihii wadahadallada u dhaxeeya Somaliland iyo Khaatumo oo aan wali heshiis rasmi ah gaadhin, waxaanu arrintaasi kaga jawaabay, “Qofka hadda odhanaya halka aanu ka dhoofnay baa wax wiiqaysa, waxaan leeyahay nin waliba kaskiisa ayuu hadlaa.”

Mar la weydiiyay   halka uu ka soo degi doono marka uu ka soo kicitimo Jabuuti,  waxaanu yidhi, “Yoolkayagu wuxuu yahay inaanu Buuhoodle ka soo degno, cidna Fasax uga qaadan mayno, ciddina nama hoosaasinayso. Waxaanan hubaa halgankan aanu ku jirno in carqalado badani ay ka hor iman doonaan, laakiin shacabka reer Khaatumo ay u midoobi doonaan.”

Somaliland iyo maamulka khaatumo ayaa wada-hadalo nabadeed u bilaabmeen daboyaaqadii sannadkii hore,  waxaana maanta madaarka ka wada dhoofay madaarka Hargeysa ergooyinka Khaatumo iyo Somaliland ee ka qaybgalaya wejigii saddexaad ee wadahadalada Somaliland iyo khaatumo oo lagu wado inay ku qabsoomaan Jabuuti.

Wada-hadalladii hore waxa lagu qabtay magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya, halka guddiyadii farsamada labada dhinacna ay kulankoodii koowaad ku qabsadeen magaalada Caynaba ee gobolka Saraar.