Xili ay dalka Somaliland iyo guud ahaanba dhulka Soomalida ka jirto abaar aad u daran oo saamaysay dad Duunyo iyo Deegaan ayaa waxa qaar ka mid ah Deegaanada Gobolka Sanaag laga soo sheegayaa in uu halkaasi ka curtey Roobka iyo Raxmaadka Eebbe.

Roobka oo ka da’ey degmada Ceerigaabo iyo deegaano ku dhow dhow ayaa inta la ogyahay waxa uu ahaa roob aad ay ugu diirsadeen dadkii deegaanku oo baahi wayn u qabay raxmaadka Eebbe oo aan sanadihii ugu dambeeyey ka di’in inta badan dhulka Somalida.