Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Oo Madaxweyne Siilanyo Ugu Baaqay Inuu Wax Ka Qabto Qas Uu Sheegay Inuu Wasiirka Hawlaha Guud Wado

0
873

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu talaabo ka qaado wasiirkiisa hawlaha guud Cali Maxamed Xasan (Mareexaan),oo uu ku eedeeyay inuu qas ka wado beerta Ilma Saleban Bidde, isagoo ku eedeeyay inuu jebinayo amar iyo go’aan uu hore Madaxweyne Siilaanyo uga soo saaray beertan.

Suldaanka guud oo  uu dhinac fadhiyay abwaan Axmed Saleban Bidde, wuxuu wasiirka hawlaha guud ku eedeeyay inuu doonayo inuu fitno dhex dhigo dad ka tirsan reer Somaliland. Suldaan Maxamed oo madaxweynaha la hadlayaa wuxuu yidhi    “Madaxwayne halkaasi (warqadan) waxa ku qoran go’an aad saxeexday     adigu oo ka hadlaya beertii ilma Saleebaan Bidde , beertii halkii la     jeexi lahaa ayaa la soo galiyey ciidan leh ma jeexi kartaan, waxaana  waxa sameeyey Wasiirka Hawlaha guud Cali Mareexaan oo na hor     taagaan, waxaana uu rabaa madaarka inuu qas ka dhaco beelaha   Hargeysa deganina ay iskaga hor yimaadaan, anigu waxaan ku talinayaa   wasiiradii arrintan galay way saxeexeen laakiin waxa arrintan cusub  keenay wasiirkii hawlaha guud, wasiirkii ka horeeyey Cabdirisaq Khaliif qoraalkiisii ayaa lagu dhaqmay ninka maanta bedelayaana waa   Cali Mareexaan, isaga ayaa meesha dhul ka raba anigu wax kale ku  odhan maayee.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi Suldaanku , “Mar haddii go’aankaagii la fulin waayay, anaguna fulin     mayno go’aanka Cali Mareexaan oo dooni mayno inuu Somaliland inay iskaga hortimaado iyadoo nalagu kalifo mooyee markaa Madaxwayne waxaa ku   leeyahay arrinkaas waa inaad si deg-deg ah wax uga qabataa, haddii kalena madaarkuna wuu xidhmi doonaa Hargeysana wax baas ayaa ka dhici doona     anaguna wali waxaanu ku taaganahay amarkaagii iyo go’aankaagii. Ciddii jebisa waxba nagama gelin oo ka aqbali mayno, laakii ninkaas wasiirka ahi wuxuu foodda isku gelinayaa foodda reer Somaliland iyo beelaha dega.”