“Waxaannu leenahay Xukuumadda Faashilka Ah Ee Markay Wax Walba Soo Dhaaftay Laga Yaabo Inay Dadka iibiso Waar Ummadda Ha Isku Dirina..”

0
1012

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Sicir-bararka ka taagan Somaliland, Dulmiga, dhibaatada Musuqmaasuqa, waxaanu Xukuumadda ku eedeeyey Musuqmaasuq, Hanti-boob iyo inay soo daabacday lacagtii ugu badnayd oo sabab u ah sicir-bararka, qiimo-korodhka Sarrifka doollarka sida uu Sheekhu sheegay.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in Islaamku ku baaqay Nolol Dadku siman yihiin, isla-markaana diiday in Koox gaar ahi Sed-bursato oo ay keligeed noolaato, sidaa darteed ay ka soo horjeedaan in Dadka Jilicsan la dulmiyo.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi; “Nolosha Islaamku ku baaqay waa Nolol siman, Islaamku wuxuu la dagaalamay oo uu diiday inay Kooxi noolaato. Sifooyinkii ugu waaweynaa ee Rasuulku (CSW) uu Mushtamaca ku hoggaamiyey waxa ka mid ahaa inaan laga soo dhex soocin Saxaabadiisa.”

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay Dulmiga, waxaanu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo Dulmiga, Dulimigu muxuu yahay? Waa inaad ku takri-fasho wax aanad lahayn oo Ummaddu leedahay, ama inaad Xaqa oo cad ka gudubto ayaa Dulmi la yidhaahdaa. Dulmigu waa Shayga oo la dhigo meel aan meeshiisii ahayn, oo aad Xaqii ka dhigto Baaddil, Baaddilkana aad Xaq ka dhigto, taana waxa loo yaqaanaa Gabood-fal, waana Nidaamka aynu ka dhaxalnay Yurub iyo Maraykanka samaystay Nolosha Dhalanteedka ah, Waayo? intaas oo urur oo ay samaysteen baan Koob shaaha Cabbaynin haddaan intaas oo dal la burburin. Nidaamkaasi waaka aynu Ragganimo moodnay oo in badan oo aynu Aqoon bidnay ay soo raraan.”

Waxa uu Sheekh Aadan-Siiro oo arrimahaa ka sii hadlayaa, yidhi; “Ibnu Taymiya oo ka mid ah Culimadii Muslimiintu wuxuu yidhi, ‘Dulmiga gebogabadiisu inay hoog tahay, Cadaaladda gebogabadeeduna ay tahay mid wanaagsan. Ninkaa Sheekha ah waxa laga weriyey ‘Illaahay wuu u gargaaraa Dawladda Caadilka ah Gaalaba ha ahaatee. Illaahayna wuxuu Qur’aanka ku sheegay inaanu Ummad ku halaagin Gaalnimo hadday dhexdooda iskaga Caddaalad falaan oo aanay is-dulmin, taas maxaa la mid ah, ILAAHAY Ummad wada Ashahaadaneysa wuu rogaa hadduu Dulmigu ku bato. Rasuulku wuxuu yidhi, waxaad ka digtoonaataan Dacwadda Qofka Jilicsan ee Dulman, imisa Qof oo Waalidkoodii Dalkan dhib badan u soo mareen baa laga yaabaa inay Maanta Saddexda Wakhti inay mar Cunaan.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo khudbaddiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Wax allaale waxaa aynu ka cabanayno Cidbaa leh, NIN DAWEE LA LEEYAHAY DAMBI UU BADH LEEYAHAY, Og haddii la taabto inay isaga gelayso, ma jecla in la taabto. Waayo? haddii la faqfaqo inuu yahay Qofka koowaad ee Meesha isa soo taagaya.Maanta ka wax dulmiyaya ayaa talinaya, ka Wax dulmiyaya ayaa ka Talo-bixinaya, ka dulmiyaya ee ku shubtay ayaa doonaya inuu Dadka Tafsiir u sameeyo, haddaan kaa la odhanin ka daa’ (waa dhibaato).”

“Dadkaa Jilicsan ee Tamaandhada ku koriya Agoontu waa kuwa wax laga aqbalayo, inta aynu kuwaa meel ku tiirinayno way taagnaanayaan Abaaraha, Sicir-bararka iyo inkaaruhu. Rasuulku wuxuu yidhi, Miskiinku marka uu qayliyo Dacwaddiisa kor baa loo qaadaa oo Samooyinka oo dhan baa loo furaa, markaasuu ILAAHAY yidhaahdaa Sharaftaydaan ku dhaartee waan kuu gargaari doonaa muddo ka dib-ba ha ahaatee.” ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Sheekh Aadan wuxuu eedaymo u jeediyey Xukuumadda talada Somaliland haysa, waxaanu yidhi; “Xukuumaddani way seexatay, Xukuumaddani Hantidii Ummadda oo dhan bay ku shubatay, Xukuumaddani boob bay u dhaqaaqday, waar ha isku mashquulinna Dadku waa wada ehel oo wuu wada deggan yahay. Dhib badan baa ina haysta ee Mushkiladda yaynaan Gudaheenna ku soo celinin, Mushkiladda meel taalla yaynaan soo rarin, waa in Dadka si Cilmiya loo qanciyaa.”

Sheekhu wuxuu sheegay in Lacagaha ay Xukuumaddani soo daabacday ay ka badan tahay Lacagihii ay soo daabaceen guud ahaan Xukuumadihii ka horrreeyay, waxaanu yidhi; “Waxa lalayaabban yahay, intii Dawladihii soo maray Somaliland oo dhami Lacag soo daabaceen waxa ka badan intay kuwani soo daabacdeen, Lacagtii Somaliland iyagaa qiimo-tiray, 7 Boqol oo Milyan baa Qof kaliya loo qorayaa isagoon meelna u soo marin. Waan idiin sheegayaaye $ 83000 Doollar baan Inan kaga tegay Maalintii Lacagtaa la keenay (Dawladdu Lacagta soo daabacday) Addis Ababa ayaan ka soo noqonayoo waxaan ugu imid $ 3000 Doollar, Inankii wuxuu yidhi; ‘Aadanoow maxaan sameeyaa waan beddelay (Sarrifay) uun. Anigan idin hor-fadhiya ayaa 80,000 Doollar ku khasaaray 14 Cisho gudahood, markaa Lacagtaa Maanta Rag ku ciyaarayaan ee siday doonaan u isticmaalayaan ee ay qiimo-tireen Dad baa dhididkooda geliyey.”

“Waar Taariikhda dib u eega oo isku mashquulina, Dalkan Koox baa u fikirtay, Koox baa doonaysa inay Mushaakilkii ay iyadu lahayd intay soo rarto inay gudaheenna soo dhigaan, si aynu innagu u muranno oo aynu is-qabsanno. Sicir-barar ma ogolin, inta jilicsan baanu u dagaallannaa, ma ogolin in inta jilicsan la dulmiyo.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

Waxaanu Sheekhu intaas ku ladhay; “Laakiin taa Macnaheedu maaha in Ummadda gudaheeda khilaaf lagu abuuro, oo intii Lahayd Mushaakilka iyo Inkaaraha inta laga soo raro aynu gudaheenna ku muranno, Dadkana waxaannu leenahay waa inaynu Caqliga isticmaallaa. Waxaannu leenahay Xukuumadda faashilka ah ee markay wax walba soo dhaaftay laga yaabo inay Dadka iibiyaan waar Ummadda ha isku dirina oo khilaaf ha gelinina oo Shaqadina garta.”