Nuxurka Qodobbo La Iskula Qaatay Kulan Saacado Qaatay Oo Xalay Dhex-maray Xukuumadda Somaliland Iyo Shirkadda Telesom

0
778

“Adeegga Zaad iyo E-Dahab dawladdu ma xidhin, waa caddaynaynaa arrintaa, far waawayn baannu ugu dhigaynaa.. Telesom waxay Aqbashay… Annagu waxaannu Garwaaqsannay…” Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Garwaaqsatay cabasho ay Masuuliyiinta Shirkadda Telesom u soo gudbiyeen oo la xidhiidhay inaanay farsamo ahaan 48 saacadood gudohood in lagu fuliyo go’aanka Xukuumadda ee in adeegga Zaad laga saaro oo aan lagu dirin wixii ka yar Boqol Doollar, waxaanay Xukuumaddu kordhisay muddadaa 48-ka saac ahaa ee ay u qabatay adeegyada Zaad iyo E-Dahab ee Lacagta Taleefannada gacanta la isugu diro.

Go’aankan is-faham ee dhex-maray Telesom iyo Xukuumadda, ayaa yimi ka dib markii ay Kulan saacado badan qaatay xalay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Guddiga xallinta Sicir-bararka Madaxweynuhu u magacaabay iyo Shirkadda Telesom, ayaa ahaa mid salka ku haya wareegtadii madaxweynuhu ka soo saaray shirkadaha dalka gaar ahaan E-dahab iyo Zaad, Guddiga Sicir-bararku la yeesheen masuuliyiinta shirkadda isgaadhsiinta Telesom, waxa lagaga  arrinsanayay fulinta go’aannadii wax lagaga qabanayay Sicir bararka iyo Sarrif-bararka Doollarka oo Somaliland saamayn ku yeeshay. Kulanka ayaa la iskula gaadhay in shirkadda Telesom aqbashay in go’aannada madaxweynaha sidooda loo fuliyo, islamarkaana guddi loo saaro xilliga rasmiga ah ee shirkadda Telesom nidaamkeeda kaga saari karto wixii boqol doolar ka yar ee adeegga Zaadka.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa kulanka ka dib faahfaahiyay arrimaha la isla gaadhay iyo ujeeddada go’aammada, waxaanu yidhi; “Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Guddigii qiimo-u-yeelidda Shilinka Somaliland Madaxweynuhu u saaray, Madaxda iyo Odayaasha Shirkadda Telesom kulan baannu halkan galabta (shalay Madaxtooayda) ku yeelannay, kulankaas ujeeddadiisu waxa ay ahayd inaannu ka wadahadalno dhaqangelinta go’aammadii Xukuumaddu soo saartay ee salka ku hayey sidii loola dagaallami lahaa qiimo-dhaca Shilinka Somaliland.”

“Waxa ka mid ahaa qodobbada soo baxay in adeegyada Zaad iyo E-Dahab laga saaro wixii ka yar Boqol Doollar ama laba Lambar ku iibsigooda, isu-diristooda iyo wixii la mid ah. Taas oo macneheedu yahay Adeegga Zaad iyo E-Dahab dawladdu ma xidhin, waa caddaynaynaa arrintaa, far waawayn baannu ugu dhigaynaa. Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil ee adeegyadaas lihi waa Shirkadihii ugu waawaynaa waddankan, masuuliyad baa Xukuumad ahaan naga saaran ilaalintooda iyo korintooda-ba, iyagana masuuliyad wayn baa ka saaran Qarankooda inay ilaaliyaan maslaxaddiisa guud iyo jiritaankiisa-ba.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

Waxaanu Wasiirka oo sii watay hadalkiisa intaas ku ladhay; “Adeegyadaa Zaad iyo E-Dahab lama xidhin ee wixii Boqol doollar ka wayni sidoodii ayey u shaqaynayaan, wax loogu iibsan karaa, loogu kaydsan karaa, ee waxay ahayd lacagta boqolka doollar ka yar in laga saaro Siistamka, wixii intaa ka yarna ay gasho Lacagta Somaliland, nuxurka ugu weynina waxa uu ahaa inay Lacagta Somaliland ay hesho fakaag ay ku socoto. Madaxda Shirkadda Telesom halkan baannu ku kulannay, waxaannu in badan ka wadahadlaynay sidii go’aankaa loo fulin lahaa. Waxay ku cawdeen in waxani yahay Siistam wakhti dheer lagu sameeyey, farsamo ahaan u baahan wakhti sidii looga saari lahaa. Waxa kale oo ay noo soo bandhigeen in xilli abaareed lagu jiro, Dad badan oo Muwaaddiniin ahi ay Zaadka ku haystaan lacag, goobo ka fog ay wax kala baxaan oo farsamo ahaan arrintaasi adag tahay.”

Maxamuud Xaashi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo is-dul-taagay dhawr qodob oo ay Madaxda Telesom isla qaateen, waxa uu yidhi; “Waxaannu isku raacnay laba Qodob; 1, in go’aammadii Xukuumadda la fuliyo, Shirkadda Telesomna oggolaatay in go’aankaas la fuliyo. 2, Waxaannu Garwaaqsannay Shirkaddi Telesom Cabatinkoodii in adeegga Zaad in 48-kii saacadood ee aannu u qabannay uu farsamo ahaan ku yar yahay inay siistamkaa ama habkaa beddelaan. Waxaannu markaa isla qaadannay in la qabto Guddi Farsamo oo Annaga Xukuumad ahaan nagala talisa xilliga ugu habboon ee la jaan-goynayo in siistamka laga saaro Zaad wixii Boqolka Doollar ka yar. Qoraal bay noo akhriyeen, waanay noo keeni doonaan oo arrintaa waa isaga soo noqonaynaa, Annaguna Khoboro madax-bannaan baannu Xukuumad ahaan la tashanaynaa sida siistamka laga saari karayo. Waxaannu halkan ku caddaynaynaa inay Telesom naga aqbashay inay go’aammadii meel-mariso, annaguna ka garwaaqsannay in wakhtugu ku yaryahay. Waxa kale oo aannu halkan ku caddaynaynaa inay Shirkadda kale ee Dahabshiil Group Warqad noo soo qortay rasmi ah oo ay iyaguna go’aammadaa ku aqbalayaan, dhammaantoonda waa u mahad-naqaynaa.”

Geesta kale, Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid, ayaa isna tilmaamay inay aqbaleen go’aanka Xukuumadda, waxaanu yidhi; “Wadahadal dheer iyo garowshiiyo dhinac walba ka yimid, waxaannu u mahadcelinaynaa Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo; waxaannu isla qaadannay in inaannu Shirkad ahaan soo dhaweynayno go’aankaa Madaxweynuhu gaadhay, Golaha Wasiirraduna soo saareen, waxay arrintu u baahatay farsamo ahaan in la isla eego. Waxaannu macaamiishayada u sheegaynaa in adeeggii aanay farsamo ahaan waxba iska beddelin, sidoo kalena aannu ka shaqayn doonno farsamo ahaan oo aannu wada shaqayn doonno Guddiga Xukuumaddu soo magacaabayso.”