Farriin Dhabarka U Jeedisay Qaadhaan Bixiyeyaasha Oo Saleebaan Gaal Ku Shaaciyey Muddo-kordhin Waqtigeeda Laga Baaraan-degay Oo Golaha Guurtidu Samayn Doonaan

0
827
Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Gows Adaygaya Bixinta Qaadhaankii Ay Sheegeen Inay Mushaharkooda Uga Goynayaan Abaaraha.
Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Gows Adaygaya Bixinta Qaadhaankii Ay Sheegeen Inay Mushaharkooda Uga Goynayaan Abaaraha.

“Axsaabta Iyo Madaxweynuhu Marka Ay Taladooda Isku Soo Biirsadaan Golahan Uun Bay Hor Iman Doontaamarka Aanu Is Nidhaahno Way Ugu Habboon Tahay Ayey Noqon Doontaa”

“Qaadhaan Bixiyeyaal Iyo Qaraamaad Bixiyeyaal Midna Doorashada Kama Taliyee Dadka Leh Baa Ka Taliya, Nin Aan U Damqanayn Uun Baa Ku Taliya [Hala Qabto Doorasho] Ee….

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha muddo-kordhin loo sameeyo xukuumadda talada haysa iyo weliba cadaadiska beesha caalamka ee ah in dalka laga qabto doorasho wakhtigeedii ku qabsoonta.

Guddoomiye Saleebaan oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa, ayaa hoos u dhigay dhawaaqa deeq-bixiyayaasha Somaliland ka saacida dhinaca doorashooyinka, waxana uu xusay inaan taladooda cidina dhegaysanaynin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Qaadhaan bixiyeyaal iyo qaraamaad Bixiyeyaal midna doorashada kama taliyee dadka leh baa ka taliya, dadkiina waa taa abaartu hayso, nin aan u damqanayn uun baa ku taliya dadkii waa baro kaceen, xoolihiina way ka baxeen, halkii ay markii hore nafta kula carareen uunbay wali fadhiyaan.”

Guddoomiyuhu waxa uu shaaca ka qaaday in doorashadu u baahan tahay inay dadkii kusoo noqdaan deegaamadoodii oo ay dib u degaan,“Doorashadu deegaan bay leedahaye dadku hasoo noqdeen, dadkaana codka bixiyee dhulku ma bixiyo, abaartana ilaahay ha inaga jebiyo doorashada weyni geliye” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.

Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu sheegay inay ka baaraan degi doonaan muddo-korhin xukuumadda loo sameeyo, isla-markaana xilliga ay u arkaan inay doorashadu ku haboon tahay ay ku dhawaaqi doonaan, waxana uu yidhi,“Axsaabta iyo madaxweynuhu marka ay taladooda isku soo biirsadaan golahan uun bay hor iman doontaa, duruufta markaa joogta uun baanu qiimayn doonnaa, marka aanu is nidhaahno way ugu habboon tahay ayey noqon doontaa, muddada la qabanayo haddii dib loo dhigona madaxweynuhu ilaa bisha March buu leeyahay, haddii uu qaban waayona wuu soo gudbin doonaa, markay ka taag roonaato ayaanu ka talin doonaa.”