Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Maanta Ku Geeriyooday Dalka Jabuuti

0
1008

Alle ha u naxariistii waxa Maanta gelinkii hore Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ku Geeriyooday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cabdillaahi Faarax Maydhane.

Marxuumka oo Safar Caafimaad ku tagay Magaalada Jabuuti, ayaa Saaka Xaqu u yimid oo Geeriyooday.

Marxuumka oo xilka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland laga qaaday 4-dii bishii December ee Sannadkii 2016-ka, ayaa intii uu Xilka hayey waxa u suurto-gashay inuu qabto Tartankii Gobollada Dalka ee Kubadda Cagta, Oroddada iyo Kubadda Koleyga.

Geerida Marxuumka waxa Shacabka Tacsiyadeeyay Guddoomiyeyayaasha Axsaabta Siyaasadda Somaliland, gaar ahaan KULMIYE iyo WADDANI.

Dhambaalka Tacsida ah ee Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan-Cirro u diray Ehelada Marxuumka iyo Shacabka Somaliland ee uu ka baxay waxay u dhignayd sidan, “Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Hoggaanka Xisbiga WADDANI, Xoghayeyaasha Xisbiga, xubnaha Golaha Fulinta ee Xisbiga WADDANI iyo dhamaanba xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan, Qoyskii, eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Marxuum Cabdillaahi Faarax Maydhane oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti maanta oo ay taariikhdu tahay 24/01/2017. Guddoomiyuhu waxa uu marxuum Cabdillaahi Faarax Maydhane ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka Somaliland, qoyskii, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isaguna soo saaray Dhambaal Tacsi ah oo uu u diray Marxuum Cabdillaahi Faarax Maydhane iyo Marxuum kale oo Geeriyooday, ayaa u qornaa sidan, “Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland iyo reer Jabuuti geerida ku timi Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Marxuum Cabdillaahi Faarax Maydhane oo ku geeriyooday magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti saaka oo taariikhdu tahay 24/01/2017, kadib xannuun ku soo booday.

Guyddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cabdillaahi Faarax Maydhane inuu ahaa addoon wanaagsan oo jeclaa horumarka dalkiisa iyo dadkiisa, isla markaana wax badan ku soo kordhiyey waxqabadka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha muddadii uu xilkeeda hayey oo uu u dambeeyey tartankii ciyaaraha gobollada ee la qabtay dabayaaqadii sannadka dhammaaday.

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu tacsi taa la mid ah u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka geerida ku timi Alle ha naxariistee Marxuum Muuse Cabdi Maxamuud (Muuse Madoobe) oo isna ku geeriyooday Hargeysa xalay oo ay taariikhdu ahayd 24/01/2017. Marxuumku waxa uu door wayn ka soo qaatay halgankii iyo nabadayntii dalka, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumihii soo maray dalka oo uu ka mid yahay xilka Maayarka magaalada Burco.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumiintaasi Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada iyo shacabkaba Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.”