Ganacsatada Suuqyada Hargeysa Iyo Berbera Oo Sameeyay Shaqo Joojin Ay Kaga Cabanayaan Sicir-bararka Doollarka

0
717

Ganacsatada Suuqa Gobanimo ee Magaalada Hargeysa, ayaa Maanta sameeyay Mudaharaad Salmi ah oo ay ku muujinayeen dhibaatada Sicir-bararka Doollarku ku hayo iyaga iyo Shacabka kale ee Somaliland.

Ganacsatada, ayaa gebi ahaanba Albaabada u xidhay Meheradaha ku yaalla Suuqa Gobanimo, si ay u muujiyaan in Sicir-bararka doollarka ee Faraha ka baxay uu khalkhal dhaqaale ku keenay isla-markaana Ganacsigoodu ku sigtay inay kacaan ama ay khasaaraan.

Ganacsatada Suuqa Gobonimo ee iskugu jira Bacadleyaasha, Meheradaha iibiya Qalabka Dhismaha, qalabka Guryaha lagu qurxiyo, Qalabka Dhismaha, Raashinka, Weelka, Khudradda iyo Ganacsatada kale ee Alaabooyinka yaryar iibiya, ayaa markii ay Meheradahooda Albaabada u xidheen waxay iskugu soo baxeen Jidka Laamida ah ee dhanka Waqooyi ka mara Suuqa Gobanimo, halkaasi oo ay Warbaahinta ugaga warrameen Ujeeddada ay Meheradaha u xidheen.

“Mudaharaadkani waa Salmi oo waxaanu ugu talo-galnay in aanu ka hadalno Sicir-bararka, markaa waxaanu xidhnay Meheradahayagii, waayo? Sicir-bararku wuxuu taabtay Qof kasta oo reer Somaliland ah, wuxuu taabtay Nolosha Dadka, markaa waxaanu muujinaynaa Dareenkayaga ku saabsan Sicir-bararka.” Ayuu yidhi mid ka mid ah Ganacsatada sameeyay Mudaharaadka Salmiga ah ee ay Meheradahooda ku xidheen.

Xubin kale oo ka mid ah Dadka Ganacsatada ah ee Mudaharaadka sameeyay, ayaa sheegay, “Waxaanu u sheegaynaa Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’daha kale ee Dawladda ee ay khusayso Arrintani in Marka Doollarku uu qaaliyoobo ay Maceeshadduna aad u qaaliyowdo, laakiin haddii Doollarku jabo Maceeshaddu ma jabto ee halkeedii ayuun bay joogtaa, dabadeedna Dadka dhibaato ayaa ku dhaceysa” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaanu doonaynaa in Doollarku yeesho Qiimo u go’an.”

Sidoo kale, Mudaharaad kaasi la mid ah, ayaa waxa sameeyay Ganacsatada Suuqyada Magaalada Berbera.

Mudaharaadyadan, ayaa ka mid ah ka dib, markii Boqolka Doollar oo dhowr bilood ka hor loogu sarrifi jiray inta u dhaxeysa 700,000 iyo 750,000, uu gaadhay 850,000 iyo 870,000