Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee Xafiiska Wakaaladda Qurbajoogga

0
1045

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme Xafiis cusub oo looga dhisay Wakaaladda Qurbajoogga xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo sidoo kale dayactir iyo qurxin lagu sameeyay barxadda iyo xayndaabka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hargeysa, Caasimadda JSL.
Xaflad ay soo agaasintay Wakaaladda Qurbajooggu munaasibada xadhig ka jarista dhismahan cusub ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin doora oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda, Mudane Maxamed Mixille Boqorre, Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga, Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi (Dyaaxweerar), Wasiirka Cadaaladda, Mudane Axmed Faarax Cadarre, Wasiiru-dawlaha Biyaha Mudane Mahdi Cismaan Buuri, Wasiiru-dawlaha Duulista Hawada & Gaadiidka Cirks JSL, Mudane Axmed Nuur Faahiye, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Inj.

Faysal Cali Waraabe, Afhayeenka Xisbiga Kulmiye, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Dr. Edna Aden Ismaaciil, Wasirkii hore ee Arrimaha Dibadda, ahna Agaasimaha Dhakhtarka Caanka ah ee Edna, xubin iyo Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Europe ee gudidaas iyo xubno kale oo ka tirsan Gudida Ictiraaf Raadinta heer Qaran, Marwo Sahra Qaadi iyo xubno sare oo ka socday Xisbiga Kulmiye, saraakiil ka socotay Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta iyo Ganacsiga, Arrimaha Gudaha, Danjirayaasha Somaliland u qaabilsan wadamada Australia, Yemen iyo China, Guddoomiyaha Gudida Ictiraaf Raadinta Qurbajoogga Somaliland ee dalka UK, Mudane Aden Axmed Yuusuf, (Sawaaxili) iyo kale oo gudidaas ka socda iyo qurbajoogga UK oo weheliyay, hay’ado aan dawli ahayn oo wadani ah kana mid ahaayeen Sonyo, Havayoco iyo Shaqadoon, hay’ado caalami ah iyo kuwa qaramada midoobay oo ay ka mid ahayd hay’adda Socdaalka Adduunka IOM, xildhibaanno ka socday goleyaasha sharci dejinta, aqoonyahan, haween, dhalinyaro iyo waayeel ka socday qurbajoogga Somaliland ee jaalliyadaha wadamo kala duwan oo Dibadda ah, Europe, North America, Dalalka Carabta, Australia iyo Afrikaba iyo marti sharaf kale oo qaran joog iyo qurbajoogba isugu jiray. Waxa sidoo kale ka soo qaybgalay agaasimayaasha waaxaha iyo xubno doora oo ka mid ah hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL.
Waxa ugu horayn ka hadlay munaasibada Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL, Dr. Sacad Cali Shire oo ku tilmaamay qurbajoogga inaanay ahayn dad ajaanib ah balse yihiin dad reer Somaliland ah oo uun duruufo xilliyo kala duwan jiray Dibadda geeyeen, isla markaana immika iyo muddo dheerba door weyn ka ciyaareen dib u dhiskii dalka, kaalin weyn ku leeyihiin dhaqaalaha wadanka iyo maalgashiga ganacsiga oo khayraad muhiim ah iyo il dhaqaale lagu xisaabtamo u yihiin qaranka Somaliland iyagoo soo dira lacag dhan $400-$500 malyuun oo dollar sannadkii oo ka dhigan kala badh ama ka badan dhaqaalaha soo gala bulshada (House income) gaar ahaan magaalooyinka, isla markaana ay sannad walba dalka yimaadaan 70,000 qurbajoog dhaqaale badan iyo khayraad aqooneedba soo geliya dalka. Wasiirku wuxu tilmaamay in dhismaha xafiiskani qayb ka yahay in loo adeego qurbajoogga tiradaas ah ee dalka yimaada iyo kuwa ka badan ee maqanba.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Debaddu wuxu baaq qayla dhaan ah u diray qurbajoogga Somaliland ee daafaha adduunka ku filiqsan inay laba jibbaaraan dadaalkooda iyo gacanta looga baahanyahay xilligan adage e abaaraha lagu jiro iyo taakulaynta gurmadka abaaraha heer qaran ee lagu badbaadinayo nolosha boqolaal kun oo qoys oo reer Somaliland ah guud ahaan dalka.
Wasiirku wuxu baaq u diray dhammaan qurbajoogga Somaliland inay laba jibbaaraan dadaalkooda iyo gacanta looga baahanyahay inay ka gaystaan abaaraha ka taagan wadanka.
Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL, Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi (Dayaxweerar) ayaa ka warramay dhibaatada ay lahayd xafiis la’aanta Wakaaladda iyo sidii loo suurtageliyay dhismaha xafiiskan isagoo sheegay in kharash loogu talo galay inuu baabuur ku iibsado oo dhammaa $30,000 uu ka door biday in loogu dhiso xafiiskan oo Wasiirka Maaliyadda JSL, Marwo Samsam Cabdi Aden ka aqbashay inuu isku bedelo kharashkaas, Shirkadda Dhismaha ee Najax-na ka oggolaadeen inay qiimahaas ugu dhisaan Wakaaladda xaruntan oo ka kooban afar xafiis, hool shirar iyo qaybo soo raaca. Guddoomiyuhu wuxu u mahad celiyay Wasiirada Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda, Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibadda, Masuuliyiinta Shirkadda Najax iyo dhammaan dhinacyadii si uun uga qaybqaatay fulinta mashruucan iyo wada shaqaynta Wakaaladda Qurbajoogga guud ahaan. Guddoomiye Dayaxweerar wuxu tilmaamay in dhismaha xafiiskani waxweyn ka tarayo hawlqabadka Wakaaladda iyo u adeeggidda dadka qurbajoogga ah debad iyo gudaba.

Waxa kale oo ka hadlay munaasibada Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL, Mudane Maxamed Mixille Boqorre, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe, Dr. Edna Aden Ismaaciil, Wasiiru-dawlaha Khayraadka Biyaha JSL, Mudane Mahdi Cismaan Buuri, Afhayeenka Xisbiga Kulmiye, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Agaasimaha Fulinta Wakaaladda Qurbajoogga, Mudane Xasan Axmed Yuusuf, xubno ku hadlay afka qurbajoogga oo uu ugu horreeyay Mudane Cabdi Cabdillaahi Aden oo ka tirsan qurbajoogga firfircoon ee jaalliyadda Somaliland ee magaalada Toronto, dalka Canada waxanu bogaadiyay dardargelinta hawlaha xagga xidhiidhka jaalliyadaha iyo dib u habaynta ballaadhan ee lagu sameeyay Wakaaladda ee ku timi doorka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga.
Gebogebadii xafladda, waxa shahaado sharafyo lagu guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga, Shirkadda Dhismaha fulisay ee Najax iyo Wasiirka Maaliyadda JSL, Marwo Samsam Cabdi Aden oo madasha ku sugnayn balse uu u guddoomay Wasiirka Cadaaladda JSL, Mudane Axmed Faarax Cadarre.
Waxa sidoo kale xusid mudan Wakaaladda Qurbajooggu u qaybisay ka soo qaybgalayaashii xafladda qoraal daabacan oo koobaya waxqabadkii Wakaaladda ee sannadkii tegay, soona bandhigaya wixii caqabado jiray, talooyinkii qurbajoogga laga soo ururiyay qodobo ka mid ah iyo talo bixinta Wakaaladda ee qorshaha hawlgalka cusub 2017.
Wakaaladda Qurbajooggu waxay u mahad celinaysaa dhammaan ka soo qaybgalayaashii sharafta lahaa ee soo ajiibay martiqaadkii loo fidiyay ee ka soo qaybgalka munaasibadan inta halkan lagu magacaabay iyo inta ka badan ee aan magacyadooda la xusin ba ee qurbajoog, qaran joog, masuuliyiin iyo shacabba lahaa. Waxa kale oo aannu u mahadcelinaynaa dhammaan hawlwadeenadaii warbaahinta ee nagala soo qaybgalay xafladda iyo kuwa badan ee warkan baahin doonaba Insha Allah.
Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaan isagu ka soo qaybgalin xafladan inkastoo Wakaaladda Qurbajooggu u gudbisay tiro is le’eg martiqaadyada dhammaan asxaabta qaranka.
Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland
Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL