“Xisbiga Kulmiye Waa U Xogogaal, Waanu Og Yahay Abaaraha Dalka Ka Jira”

0
1394

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa ka hadlay abaaraha dalka ka taagan, waxaanu sheegay in Xisbiga Kulmiye uu xogogaal u yahay abaarta, isla markaana tan gaar ah ka lahayn qabsoomida Doorashada oo lagu kala qaybsan yahay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xisbiyada Mucaaradka ugu baaqay inay Gurmadka Abaaraha ka qayb qaatan, waxaanu yidhi “Xisbiga Kulmiye waa u xogogaal, waanu  og yahay abaaraha dalka ka jira, ahmiyada iyo muhiimada kowaadna wuxuu siinayaa dadka, waana tii Masuuliyiinta Xisbigu Barri iyo Galbeedba qabtay ee xaalada abaareed ee dalka ka jirta soo ogaaday, gurmadkana dadka la gaadhay, ee arinta Doorashada iyo wax laga yeelayo, ee muranku ka dhashay, sharciyan Maxkamada ayaa qoondaysay, in Doorashadu ku dhacdo 28/3/2017,  wixii laga yeelayo Xisbi gaar ah uma taalo, ee mar walba haddii aanu nahay Xisbiga Kulmiye waxaanu leenahay oo aanu ku taagan nahay Sharciga iyo nidaamka saxda ah ha loo maro, oo cida ay khuseeyso ha loo daayo”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa mar uu ka hadlaayey Xisbiyada Mucaaradka yidhi “Xisbiyada Mucaaradku waxay ku celceliyaan oo ay yidhaahdaan ha laga qayb qaato gurmadka dadka ay abaaruhu hayaan, waxaan kula talin lahaa wixiinu yaanay noqon hadal, ee ficil ku dara, oo dhankiina gurmadka ka gala”.