Suldaan Maxamed Oo Soo Jeediyay Inaanay Muddo Kordhinta Madaxweynuhu Ka Badan 2 Bilood

0
1138

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi, ayaa sheegay in Doorashadu aanay ku dhici karin wakhtigii loogu talagalay madaama ay abaari jirto, waxaanu soo jeediyey in ALLE laga cabsado oo Sakada la bixiyo, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay Caalamka gaadhsiiso abaarta jirta si gurmad deg deg loola soo gaadho.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafkii ka dhex taagna Xisbiyada ee ay dhammeeyeen Abwaanadu iyo Salaadiintu, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya abaarta “Sakada marka la xajisto ee la iska bixin waayo, ILLAAHAY dadka wuxuu ku keena aafo ay ka mid tahay abaartu, Xooluhuna meesha wey ka baxaan, dadkuna wey ku madhaan, inagu waxba ma sheegi karno, ee ILLAAHAY baa quraankiisa inoogu sheegay wax walba, marka madaama aynu nahay dad Islaam ah waa in Sakada la iska bixiyo, si aynu if iyo akhiraba u badbaadno, ILLAAHAYNa aynu barino,”.

Suldaanka Guud mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Aafo ayaa ina haysta, ee waxa loo baahan yahay in Caalamka la gaadhsiiyo abaarahan jira, oo Wadamada Islaamka ah ha la gaadhsiiyo xaalada aynu ku sugan nahay, Doorasho iska daaye, dadkii baa dhimanaya, Xukuumadda waxa looga baahan yahay in Caalamka ay gaadhsiiso abaarta taagan, sidaas ayey dadkeeda wax ugu taraysaa”.

Mar aanu wax ka weydiinay inay suurtagal tahay in Doorashadu wakhtigeedii ku dhici karto ayaa ku jawaabay “Dad gaajo hayso, oo xoolihi ka dhammaadeen, Doorasho ma gali karaan, mana codeyn karaan, ee arinta Doorashada waxa kordhiyaa waa Golaha Guurtida, ee iyaga ha loo daayo, balse anigu waxaan odhan lahaa muddo kordhintu yaanay laba bilood inagaga badanin, laakiin haddii ay laba bilood inaga badato hadal bay keenaysaa”.