“Saldhigga Berbera Waa Dagaal Aan Waddo Lahayn, Waa Shaadh Inan Yar Xidhan Yahay….”Sheekh Aadan Siiro

0
1039

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa mar kale ka digay khatarta uu Somaliland u horseedi karo Saldhigga Ciidan ee Dawladda Imaaraadka Carabtu doonayso inay ka samaysato Magaalo-xeebeedda Berbera.

Sheekh Aadan-Siiro, wuxuu sheegay in Saldhig uu Imaaraadku ka samaysto Magaalada Berbera uu Somaliland u soo jiidayo Dagaal, sidaas darteed Dadka doonaya in Heshiiskaasi loo saxeexo Imaaraadku ay ka waantoobaan isla-markaana aanay Dalka u soo jiidan Dagaal aan Waddo lahayn.

Sheekha oo Arrimahaasi iyo kuwo kale kaga hadlay Khudbaddii Jimcaha ee Shalay ayaa yidhi, “Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi, Muuminku walaalkii wuxuu u yahay Muraayad oo lama jecla wax dhib ah, Xumaan lama jecla, hadduu wax dhibaya arkana wuu ka leexiyaa, Waayo? Islaamka Gebigiisuba waa Talo-bixin. Diintu Qof walba waxay u tahay Nasteex, Mushtamacuna maaha Mushtamac is-huursada ee waa Mushtamac is-toosiya oo wada tashada oo Dariiqa toosan isku tilmaama.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu ka warramay, “Xadiiska uu uu Weriyey Al-imaamu Bukhaari wuxuu Rasuulku ku yidhi, ‘Qofka Muslimka ah ee toosan ee ILAAHAY Hanuunka siiyey iyo ka dhacsan ee aan Hanuunka raacsanayn, waa sidii Dad u qoryo-tamay Dooni, kuwii Wanaagsanaa waxay fuuleen Xaggii sare ee Doonida, kuwii kalena Hoosta ayay fuuleen, kuwa Xagga hoose ku jiraa markay Biyo u baahdaan waxay waydiisanayaan kuwa xagga sare fuushan. Kuwii Xagga hoose ku jiray waxay ku fikireen in aanay dhibin Kuwa Xagga sare ee Doonta Saaran ee ay Biyaha waydiisanayaan, ee ay Doonta hoosta ka dalooliyaan, Rasuulku wuxuu yidhi haddii kuwaa Xagga hoose ee Doonida saarani ay sidaas sameeyaan oo ay Doontii la wada saarnaa Dalooshadaan oo aan laga qabanin dhammaantood way halaagsamayaan, haddaysa ka qabtaan Gacmaha ay ku daloolinayaan Doonta, dhammaantood way nabad-gelayaan-buu yidhi Rasuulku (CSW). Xadiiskani wuxuu tilmaamayaa qaabka ay fikiraan Bulshada Muslimka ah ee toosan ee dariiqeeda garanaysa, ee garanaysa in Qof walba Xaqa uu leeyahay la siiyo, oo ah Qofka darka jiidhaya in la joojiyo Magacuu doono ha sheegto, Aqoontuu doono ha sheegto, awoodduu doono ha sheegto. Qofku markuu bulshada Duminayo Cilmigiisu waa Cilmi Dhalanteed ah oo aan ku xidhnayn Samada, oo aan ku xidhnayn Wanaagga Ummadda haga.”

Sheekh Aadan-siiro wuxuu ka digay Saldhigga Ciidan ee Dawladda Imaaraadka Carabtu doonayso inay ka samaysato Magaalada Berbera ee Somaliland, kaasi oo uu sheegay inuu ku kooban yahay isla-markaana uu wado Hal Qof , “Waxaan leeyahay inta Caqliga, Cilmiga, Damiirka iyo Garashada leh la aqbali kari maayo wax Qof kaliya uu doonayo inuu Dalka u qaabeeyo. Intuu Dadku wanaagsanaa may dhicin in Qof awood badan oo talada Muslimiinta ku dhex jira oo Qaabeeya waxa Ummaddu leedahay, isagoon ka mid ahayn kuwii ay Dadku doorteen. Waar ka daaya Ummadda heshiisyada aan Danta u ahayn ee ah Shaadh uu Qof isku Qiyaasayo ama Shaadh kooxi isku qiyaasayso.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Dunida waxa ka socda (Dagaallo) haddaynu ka qayb-galno midna awood aynu ku difaacno ma lihin. Xuutiyiintu Maalin walba waxay doonayaan inay Xaramka ku tuuuraan Gantaal, miyaad isleedahay Berberaa uga dhow?, waxba kuma aha inay Maanta Berbera keenaan laba boqol oo kun (Ciidan ah), Waayo? waa la laga dambeeyaa, markaa maxaa kugu kalifaya soo raridda Dagaal aynaan difaaci karayn, oo Cid dammaanad inoo ah aynaan garanayn.”

Sheekha oo khudbaddiisa sii wata, ayaa tilmaamay, “Waad ogtihiin Xuduudka aynu la leenahay Dalkaa aan weligii la gumaysan ee 90ka Milyan ah, waa inaynu Caqli iyo Xikmad aynu Diinteena ku ilaashanayno, sharkooda iskaga moodeyno, Khayrkoodana aynu adeegsanayno waa inaynu keenaa, inta ILAAHAY Qudbiga Islaamka keenayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Saldhigga Berbera waa Dagaal aan Waddo lahayn, waa Shaadh Inan yar xidhan yahay, waa Lacag doon Inan yar ku kooban, waar ka daa’ ayaanu leenahay. Inta Caqliga iyo Cilmiga leh waxaanu leenahay yaanay noqonin Dalka iyo Inan yar ee sida Wanaaggu ku jiro la yeelo.”

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu sheegay in Somaliland u baahan tahay Hoggaan Wanaagsan, waxaanu yidhi, “Somaliland waa Dalalka ugu Qanisan Dunida marka loo eego tiradeenna iyo Khayraadka Dalka, laakiin wuxuu u baahan yahay Hoggaan toosan oo ILAAHAY garanaya, inta taa la helayo Dalka yaan la duminin, yaan loo soo rarin Dagaal aan inoo oolin.”