Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xulashada Madaxweyne-xigeenkiisa Iyo Isbedelka Awoodeed Ee Uu Jagadan Ku Samayn Doono, Haddii Uu Talada Ku Guulaysto

0
1076
Faysal Cali Waraabe Oo Ka Waramay Shir Maalgashi Oo Uu Jarmalka Kaga Qayb Galay
Faysal Cali Waraabe Oo Ka Waramay Shir Maalgashi Oo Uu Jarmalka Kaga Qayb Galay

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe, sidoo kale ahna Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID Doorashada Madaxtooyada, ayaa ka hadlay Musharaxa Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo sababta uu ilaa hadda u soo xulan waayey, waxa ka jira in uu ka soo xulayo Gobolka Sool.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay abaaraha iyo Doorashada, waxaanu wareysigu u dhacay sidan

Madaama loolan adag uu ka dhex jiro Xisbiyada,  waxa la is weydiinaya sababta uu ilaa hadda Eng:Faysal Cali Waraabe uu u soo xulan waayey Murrshaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga UCID, markaas goorma ayaad soo xulanaysa?

Ma muuqato hadda inay Doorasho dhacayso, maxaa yeelay abaart jirta darteed aad bay u ag tahay Doorashado inay wakhtigeedii ku dhacdo, sidaas oo ay tahay Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga UCID, dhawaan baanu soo xuli doonaa, waxaanu noqon doonaa Musharax Madaxweyne ku xigeen oo aqoon iyo karti leh, wuxuu noqon doonaa musharax qaranimada iyo midnimada umadda reer Somaliland ka shaqeeya, haddii aanu taladda dalka ku guulaysana ma noqon doono Madaxweyne ku xigeen bilaa awood ah, ee wuxuu noqon doonaa Madaxweyne ku xigeen awood leh, oo marka laga reebo Siyaasada Arrimaha Dibadda, Difaaca Qaranka iyo Siyaasada Arrimaha Guddaha inta kale waxaan ku wareejinayaa haddii ALLE yidhaahdo Madaxweyne ku xigeenka.

Waxa la hadal hayaa inaad Musharaxa Madaxweyne ku xigeen aad ka soo xulanayso Gobolka Sool, marka maxa ka jira inaad Gobolka Sool ka soo xulanayso, oo aanad Gobolka Awdal ka soo xulaynayn?

Ka hor dhici maayo, haddii ALLE yidhaahdana waa la iska ogaan doonaa, balse wuxuu noqon doonaa Musharaxa Madaxweyne ku xigeen oo aragti fog yeesha, oo  qaranimo ku shaqeeya.

Inta badan Mucaaradku waxay doonaan inay Doorashado wakhtigeeda ku dhacdo, ee waa maxay sababta dhabta ah ee  aad ku doonaysaan inay dib u dhacdo?

Anagu ka baqi mayno Doorashada, Xisbiga UCIDna kalsooni ayuu qabaa, oo Doorashada wuu gali karaa, balse dadkayga iyo shacabkayga ayaanu ka damqanaynaa, oo aanu u diir naxaynaa, oo abaaraha maanta dalka ka taagan weynu arkaynaa, oo xaalada ay dadkeenu ku jiraan Doorasho lama gali karo, maxaa yeelay dadkii baa dhimanaya, oo haraad iyo gaajo u dhimanaya, markaas in hadda dadka la badbaadiyo oo loo gurmado ayaanu doonaynaa, marka ay abaartu inaga baxdana in Doorashada la galo, Dastuurkuna wuxuu dhigaya in marka xaaladan oo kale dalku galo in aan Doorasho la qaban.

Kalsooni intee leeg ayaad ka qabtaa in aad ku guulaysanayso Doorashada Madaxtooyada?

ALLE ayaa og cidda ku guulaysanaysa, Doorashada, laakiin waanu isku kalsoonahay, kalsooni dheeraad ahna waanu qabnaa, waxaana dhab ah in haddii aanu ku guulaysano taladda dalka in aanu horumar gaadhsiin doono, in aanu Waxbarashada iyo Caafimaadka sare u qaadi doono, in aanu dalka Ictiraaf u keeni doono insha allaah.