Madaxweynaha oo ka Qaybgalay Aas Qaran oo loo Sameeyey Marxuum Maxamuud Dhool-dahable

0
982

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable) oo ka mid ahaa odayaasha waxgaradka ah ee dalka, kaas oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa gelinkii dambe ee maalintii Jimcaha.

Waxa kaloo aaska marxuumka ka qaybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), madax-dhaqameed, siyaasiyiin, culimo iyo dadweyne aad u badan.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu Jannatul-fardawsa ka waraabiyo, ehelka, qaraabada iyo qaranka Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo, isagoo ku tilmaamay marxuum Maxamuud Dhool-dahable shaqsi wanaagsan oo door weyn ka qaatay nabadaynta iyo dib-u-dhiska dalka Somaliland.
“Geeridu waa xaq, waxa aynu nahay addoomo Ilaahay, dhammaanteenba waynu geeriyoonaynaa, waxa aynu maanta joognaa aaskii walaalkeen marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable), Ilaahay (SWT) ha u naxariisto. Walaalkeen Maxamuud geerida ku timmi waxaannu ka tacsiyadaynaynaa qoyska, qaraabada, ehelka iyo dhammaan qaranka Somaliland, waa nin weyn oo qarankan ka baxay, waa nin ku suntan halgankii, nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalkan, Maxamuud waxa uu ahaa nin wayn oo culus, waxa uu ahaa garab weyn oo inaga baxay.” Sidaana waxa yidhi Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.
“Marxuum Maxamuud waxa uu ahaa nin caan ku ah mab’da adayg, run, daacadnimo, hawl karnimo dad yaqaan, dhul yaqaan, wuxuu ahaa shaqsiyad aad u qiimo badan oo aan laga faaloon karin si sahlo ah. Marxuunka Maxamuud Dhool-dahable iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Siilaanyo saaxiib weyn ahayd ahaayeen. Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo, isagana ha u naxariisto, inaga cabro ayaa inoogu sugan geeridiisa,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada.