Suldaan Nadiif Saydh Jibriil oo Komishanka ugu Baaqay Inay Bulshada u Caddeeyaan Inaan Doorasho la Geli Karin

0
847

“Muddo kordhintu maanta waa dastuuri oo xaalad adag oo  abaareed  oo aan doorasho la geli kareyn ayaa jirta”

“Waxaan leeyahay abaarta  dalka ka jirtaa way saddex  jirsatay oo sannad lagaga soo kaban maayo”

Suldaan Nadiif Saydh Jibriil oo ka mid ah madaxdhaqameedka reer Somaliland,ayaa qaylo dhaan u diray saddexda gole qaran,xisbiyada Siyaasadda iyo guddiga doorashooyinka kana hadlay xaaladda adag ee dalku ku jiro iyo saamaynta abaaraha ku saddex jirsatay Somaliland.

Waxaa kaloo  uu Suldaanku ka hadlay sida ay dastuuri u tahay in muddo kordhin rasmi ah loo sameeyo Xukuumadda talada haysa iyadoo la eegayo xaaladda adag ee  dalku ku jiro iyo abaaraha riiqdoodu dheeraatay ee taagan.waxaannu xisbiyada qaranka u soo jeediyay in ay iska ilaawaan doorashada ay ku tartamayaan in la badbaadiyo dadka abaaruhu tabaaleeyeen.

“Anigu imika laba habeen ayaan Hargeysa joogay oo waxaan ka imi gobollada bari ee dalka.  Waxa  ka taagan gobollada bari ee aan soo maray xaalad adag oo aan qofna qiyaasi karin dadkeennu waa xoolo dhaqato, dadkeennii gobolladaa ku dhaqnaa ee reer miyiga ahaa xoolihii way ka bexeen oo Adhi wuu dhammaaday, Geeliina wuu sii daba yar yahay.  dameerihii ugu adkaysiga badnaa ayaa ku le’day.

Abaarta jirta dad dhintay way jiraan oo deegaannada aan soo maray saddex nin oo markii ay xoolihii ka baxeen muraara dilaacii si dabay oo dhintay waa la ii xaqiijiyay.  dadka intii kale ee caydhawdanay dhabanka iyo gacanta ayay isku hayaan oo meel ay u dhaqaaqaan oo ay ku hagaagaan garan waaye,”ayuu yidhi Suldaan Nadiif oo xalay u warramayay wargeyska Dawan, oo uu nagu soo booqday.

Suldaanka oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas raaciyay, “Markaa waxaan leeyahay saddexda gole qaran dalku xaalad adag oo halis ah ayuu ku jiraa ee waa in dadkeenna dhimanaya loo gurmado oo gurmadkii aynu hore ugu jirnay sii laba laabno sababtoo ah maalin kasta iyo waagii beryaba way ka sii daraysaa.”

Saddexda xisbi qaran waxaan leeyahay oo aan u soo jeedinayaa maanta lama joogo wakhti doorasho lagu hammiyo waxaana dhimanaya dadkii aad codka ka doonayseen. Waxa  la idiinka baahan yahay sidii aad markii horena u gurmateen iyo ka badanba in aad dadkiinna ugu gurmataan oo aad doorsho iska ilowdaan inta abaarta laga baxayo. waxaanan leeyahay abaarta maanta dalka ka jirtaa way saddex iyo afarba jirsatay oo sannad lagaga soo kaban maayo.

Waxaan odhan lahaa muddo kordhintu maanta waa dastuuri oo xaalad adag oo masiibo baareed ah oo aan doorasho la gali kareyn ayaa dalka ka taagan ee waa in la kordhiyaa ugu yaraan 2 sanno si marka raxmaadka ALLE aynu u helno aynu dib ugu gurmano mar labaad oo dadkii xooluhu ka baxeen aynu u xoolayno haddii maanta cirku inna helo dadkii oo caydh ah ayuu roobku helayaa oo u baahan in dib  loo xooleeyo. markaa waxaan leeyahay maantana aynu gurmano oo dadka badbaadino marka roob inoo hoorana aynu dadka xoolayno ka dibna aynu doorasho ka hadalno xisbiyadu dadkii ay codka ka doonayeen way dhimanayaan ee yaa u codaynaya.”

Suldaanka oo la hadlayay guddiga Doorashooyinka, wuxuu yidhi,  “Guddiga doorashooyinka qaranka waxaan leeyahay waar runta sheega oo waad ogtihiin xaaladda lagu jiro oo waad soo aragteen ee sheega in aan xilligan dalka doorasho ka qabsoomayn oo aanay dadkiiba joogin meelihii ay ka qaateen kaadhadhka ilayn waxaad tidhaahdeen qofku halka uu ka qaato oo keliya ayuu ka codaynayaaye.

Maxaad xaqiiqada taalla uga aamusaysaan. Midda kale waxaan ku talin lahaa in dib u eegis lagu sameeyo dad badan oo reer Somaliland ah oo aan kaadhadhba qaadan ayaa jiree  sidii wax looga qaban lahaa arrintooda.”

Ugu dambayn waxa uu u soo jeediyay ganacsatada iyo guddiga gurmadka abaaraha oo uu ku ammaanay sida wanaagsan ee ay xaaladda baarta uga hawlgaleen in ay dedaal dheeraad ah muujiyaan oo dadka dhimanaya ay gurmad samato bixin ah la gaadhaan,waxaannu Ilaahay  ka baryay in uu raxmaadkiisa innoo shubo.