Doonni Xoolo ka Qaadday Dekadda Berbera oo ku Degtay Xeebta Cumaan

0
769

Dooni siday 593 neef oo ah Dibi oo ka shiraaqatay marsada Berbera, una sii jeeday Dekadda Salaala ee dalka Cumaan, ayaa ku degtay meel u dhow xeebta wadanka Cumaan, sida uu xaqiijiyay wakiilka doonidaas oo la yidhaahdo Cabdiraxmaan Cali Warsame.

Doonidan oo la odhan jiray Al-Ahmediya, waxay saddex maalmood ka hor ka ambo-baxday dekadda Berbera, waxaanay u siday shixnad xoolo ah oo ay lahaayeen Ganacsato reer Somaliland ahi.

Wakiilka doontaas, ayaa BBC-da u sheegay in shalay subax lagu soo wargeliyay in doonida iyo xoolihii ay sidayba degeen.
Cabdiraxmaan Cali, waxa uu tilmaamay tobaneeye shaqaalihii doonta ahaa oo dhammaantoodba u dhashay dalka Hindiya in la badbaadiyay markii doonyo ganacsi u soo gurmadeen.

Warar is-khilaafsan ayaa ka soo baxaya sababta doonidu u degtay, iyadoo wararka qaar sheegayaan in dabaylo xoog badan oo badda ka dhacayay ay qarqiyeen doonida. Halka tibaaxo kalena ay weriyeen in doonida gudaheeda dab ka kacay, hase ahaatee wali lama xaqiijin karin sababta rasmiga ah ee khasaarahaas dhaliyay.