Hargeysa: Ganacsatada Suuqa Waaheen Iyo Hooyooyinka Khudradleyda Ah Oo Farriin Dhiillo & Digniin Xambaarsan U Diray Madaxweynaha

0
900

“Haddii Saddex Cisho Gudahood laga soo saari waayo Go’aan Sicir-bararka dollarka, waxaanu ku qaadeynaa Dalka aan Wax Kaash ah (Shilinka Somaliland) laga qaadan doonin..” Cabdifataax Muxumed

 “Madaxweyne, waxaad Dadkaaga iyo Dalkaaga ka Hagratay Wareegto aad soo saarto oo aad Dollarka Qiimo ugu samayn karto..” Xuseen Shabeel Ibraahim

Ganacsatada Danyarta ee Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Khudradleyda, Bacadleyaasha Bacadyaalka ah iyo Dadka kale ee Suuqa ku iibiya Aloobooyinka yaryar, ayaa Qaylo-dhaan ka muujiyey sida uu Qiimaha Doollarka ah ee Kor u kacay iyo qiimaha dhaca ku dhacay Lacagta Somaliland u dhaawacday Dhaqaalahooda iyo Guud ahaan Dhaqaalaha Dadka reer Somaliland.

Iskashada Khudradleyday iyo Ganacsatada kale ee Meheradaha yaryar ku haysta Suuqa Waaheen ee Hargeysa, ayaa Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen gudaha Suuqaasi Shalay, waxay baaq ugu dareen Madaxweynaha Somaliland iyo Masuuliyiinta kale ee Dawladda, waxayna ugu baaqeen in wax laga qabto Qiimaha dhaca Shilinka Somaliland, iyagoo ku hanjabay haddaan wax laga qabanin inay iyaguna diidi doonaan Lacagta Shilinka oo ay wax ku iibin doonaan Lacagta qalaad ee Doollarka.

Guddoomiyaha Iskaashada Khudradleyda ee IIDAAN ee Suuqa Waaheen ee Hargeysa Cabdifataax Aw Muxumed, oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaanu Maqallaa Madaxdii aanu Idmanay oo leh ‘Dalka Abaari kama jirto’, waxaanu leenahay Dalka Abaari way ka jirtaa, oo markii Xoolihi madheen waxa bilaabmay inay Dadkii dhintaan.”

Cabdifataax waxa kale oo uu sheegay, “Cashuurta laga qaado Danyartu hadday Dawladda Roob ku da’ay u noqotay oo ay Guryahooda barwaaqeysay, oo aanay dareemayn Kulaylka iyo dhibaatada Dalka ka taagan, waxay noqonaysaa Damiir darro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Arxan-darrada Dawladda waxaanu dareenay markii ay yidhaahdeen Dadkii oo Xaaladda uu ku jiro la ogyahay Doorashadaa la gelayaa.”

Guddoomiyaha Iskaashatada IIDAAN, waxa kale oo uu ka warramay Xaaladda ay ku sugan yihiin Hooyooyinka ka Ganacsatada Khudradda ee Danyarta ah, “Dadkii waxa daashaday Abaar iyo Sicir-barar oo Dadkii ma noola. Hooyooyinku iyagoo Wer-wer iyo Walaac ka muuqdo ayay subaxdii soo Shaqo tagaan, Qof kasta oo suuqaa fadhiya Deyn baa ku Go’an, meel uu ka bixiyaa ma jirto, Qof kastaa wuxuu soo shaqo tagaa Labaatan Qof (oo qaarkood Abaarta ka soo qaxay), Miyigiibaa lagala soo hadlayaa oo Hawl-baa ka haysata.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Haddii Shilinkii Somaliland wax shaqeynaya ahayn, Sicir-bararkii Cirka isku shareeray, Maceeshaddii Cirka isku Shareertay, haddii Saddex Cisho Gudahood laga soo saari waayo Go’aan Sicir-bararka dollarka oo Xukuumadda Somaliland ay talo ka yeelan waydo, waxaanu ku qaadeynaa in Suuqa Waaheen iyo Suuqyada kale ee Dalka aan Wax Kaash ah (Shilinka Somaliland) laga qaadan doonin, sidaas ayaanu Nidar ku gelaynaa. Waxa kale oo jira inaan Ganacsatadii Jumladleyda ahayd iyo kuwii Taraafiiqdu aanay kala saarnayn, Waxaad arkaysaa Bakhaarkii waynaa ee Alaabta Shiinaha ka keenayay oo Hargeysa ku tafaariiqeynaya. Waxaad arkaysaa Bakhaarradii waaweynaa ee aanu ka iibsanaynay Alaabta oo haddana iyagii ku iibinaya intii ay naga siiyeen. Markaa wax Alaale iyo wax ummaddii ku nooshahay ma jirto.”

Xuseen Shabeel Ibraahim oo ka mid ah Ganacsatada Danyarta ah ee Suuqa Waaheen ee Hargeysa, ayaa yidhi, “Qofkii ku shaqeysan jiray 500 doollar, Maanta waxa Gacantiisa ku jira boqol ama Laba Boqol oo dollar oo waxa meesha ka baxay Jiritaankii Shilinka Somaliland, markaa waxaanu baaq u direynaa Madaxweynaha Somaliland waxaanu leenahay Madaxweyne waxaanu kuu idmanay muu ahayn dhaawaca Jamhuuriyadda Somaliland, waxa na soo gaadhay dhaawac aad iyo aad u culus oo Dhinaca Dhaqaalaha ah oo Xagga Shilinka Somaliland ah, oo xagga Danyarta ah, oo xagga Hooyada Cadceedda fadhida ah.”

Mr. Shabeel oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Madaxweyne, Maalintii aanu ku idmanay (Dooranay) waxa noo shaqeyn jiray kontonka shilin, Shanta boqol ee Shilin iyo Shanta boqol ee Shilinka Somaliland ah, laakiin Maanta waxa Gacantayada ku sii jira Kunkii Shilin iyo Shantii kun ee Shilin. Waxa Maanta na haysta Kiradii oo Doollar ah, Caafimaadkii oo dollar ah, Laydhkii oo Dollar ah, Waxbarashadii oo dollar ah. Somaliland waxay noqotay Gobol ka mid ah Maraykanka ah, waxa meesha ka baxay Somalilandtii aynu Jiritaankeeda u halgamaynay ee aanu Jiritaankeeda Sare u qaadaynay, waxaanu ku leenahay Madaxweyne waa inaad saddex cisho jawaab deg-deg ah nagu siisaa, in Somaliland tahay Somaliland iyo inay Gobol ka mid ah Maraykanka tahay waa inaad labadaa noo soo kala sheegtaa, Waayo? Haddii Dawlad Shilinkeedu jiriwaayo Wax Dawlad la yidhaahdo oo jirtaa ma jirto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Madaxweyne, waxaad Dadkaaga iyo Dalkaaga ka Hagratay waxaad u qaban karto oo aad awood u leedahay, Waayo? Wareegto Madaxweyne oo Afkaaga ka soo baxda oo aad soo saarto ayaad Dollarka Qiimo ugu samayn kartaa.”

Guddoomiyaha Ganacsatada Danyarta ah ee loo yaqaanno BACAD-YAALKA ee Suuqa Waaheen Maxamed Ismaaciil Weyrax, oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa farriin u diray Xisbiyada Qaranka ee xilli Dalku ku sugan yahay Xaalad adag oo Abaar iyo Sicir-barar wada ololeyaal siyaasadeed waxaanu yidhi, “Xisbiyada Qaranka waxaan leeyahay Maanta maaha Maalintii Calan yar oo Xisbi lala ordayey, maaha Maalintii la odhanayey Hebel baa nagu soo biiray, UCID ummaddii baa ka nabad-gashay oo Calanba ma sito, laakiin Labada Xisbi ee kale waxay qaadayaan “Waqalkaa da’ayaa waa WADDANI iyo Hees kale oo la yidhaahdo ‘Ummaddii way harraadday’ iyo Xaflado maalin kasta la qabsado. Xaflad kasta waxa ku baxa toban kun oo dollar, Booyadda Biyaha ah waxa lagu kaxeystaa 200 doollar, markaa Tobankaa kun ee dollar waxay kafayn lahayd boqol booyadood oo Biyo ah oo loo geeyo Dadka Abaartu hayso, Boqolkaa Booyadood imisa Qoys bay gaadhi lahaayeen.? Waxaanu Xisbiyada leenahay Billaahi Calayk isku Xishooda oo joojiya Xafladaha.”

Mr. Weyrax oo hadalkiisa sii wataa wuxuu iswaydiiyey halkuu ku dambeeyay Guddoomiyihii Guddida Abaaruhu? “Dadweynaha Reer Sonmaliland waxay iswaydiinayaan waa Kuma Guddoomiyaha Guddida Abaaruhu?, Waa Saylici, laakiin Dadku waxay leeyihiin wuxuu ku mashquulay Jilib yar oo Habar Carfaan la yidhaahdo siduu Kalsoonidooda u heli lahaa, waxaanu leenahay Guddoomiyaha Guddida Abaarahoow ha lagu arko.”

Hooyo Magaceedu yahay Khadiija Yaasiin Maxamed oo ka mid ah Haweenka Khudradda ka Ganacsada ee Suuqa Waaheen oo iyaduna halkaa ka hadashay, ayaa tidhi, “Haddaanu nahay Dadka ku Ganacsatada Sariimadda Suuqa Waaheen ama Shiraaqle dhibaato xoog leh ayaa na haysata, Waayo? Rubuc Xawaash ah haddaan tukaan ka iibsanayo Doollar baa la iigu dhufanayaa. Faraasiiladda Basasha ah waxa la iigu dhufanayaa Lacagta Birta ee Itoobiya, wax kasta oo kale oo aan soo iibsanayo Doollar baa la iigu dhufanayaa.”