Dhawaaqa  Haldoorka Abwaannada Cabdi Aadan Xaad (Qays),  Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganey), Abwaan Aadan Tarabi Jaamac, Abwaan Muuse Cali Faruur, Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir) Iyo Hal Abuurro Kale Oo Maanta Isu Xil-qaamay Wax Ka Qabashada Xaalladaha Dalku Marayo, Muranka Doorashada Iyo  Jahawareerka Siyaasadeed ee Axsaabta+ Farriin Toos Ah Oo Ay U Direen Xukuumadda, Axsaabta Iyo Goleyaasha Qaranka Iyo Bulshada

Abwaannadii Waaweynaa Ee Somaliland Oo Fadhiga Ka Kacay, Kulan Ay Hargeysa Ku Yeesheen Iyo Nuxurka Shir Ay Maanta Warbaahinta U Qabteen

“Waxaa Run ah in Fadhigayagan iyo hadalkayagan aanu aad ula habsaannay, haddana doqonniimo may ahayne dan bay ahayd”. Sidaas waxaa yidhi abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Ganey) oo kamid ahaa Hormada Halabuurrada waaweyn ee reer Somaliland oo warbaahinta kula hadlay magaallada Hargeysa Maanta, kuwaas oo ka hadlay xaallada dalku ku sugan yahay hadday tahay abaaraha, siyaasadda, iyo xaallada dhaqan dhaqaalle ee bulshada. Abwaan XAsan Ganey oo kamid ahaa abwaannada halkaasi ka hadlay manta ayaa waxaa uu intaa ku ladhay “Waxaa aynu ahayn dal yar oo dhab dhab ah oo aan weli cagaha isku taagin, beed baynu gacanta ku haynay. Waxaynu nidhi haddii wax kasta oo jira aad farta ku fiiqdaan armay waxaas jira wax ka badani soo baxaan. Waxaase la yidhi dumaal nin ka xishooday kama ilmo dhalee, markay manta [xaalladu] halkaas marayso, dan baa isu kaaya keentay. Annaguna manta cidna caayi mayno, colna lama nihin, dhinacna u xaglin mayne dhexdhexaad baanu nahay, waxaana aanu leennahay dalku wuu innaga dhexeeya oo waynu wada leennahay, dantu way inaga dhaxaysaa, dawladuna way innaga dhaxaysaa diintuna way innaga dhaxaysaa”. Ayuu yidhi Abwaan Xasan Ganey.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay xaallada axsaabta qaranka waxaauu Abwaan Xasan Geney yidhi “xisbiyadu waa kuwayagii, waxaase wanaagsan  xisbi waliba waxaa uu ku tartamayo ee uu doonayo in uu ummada ku hoggaamiyo waa in isaga oo xor ah oo xalaal ah uu ummada is hor keenno laakiin yooyootankii iyo malamalayntii uu geeljiruhu ku malamalaytami jiray manta uma joogno. Dadkeennii  waxaa haysa abaar, waxaad ogtihiin saddex gu’ iyo saddex jiilaal ayaa ay abaar ku jireen, sicir barar baa jira, barbaarteenii  baa badda ku dhammaanaysa….markaa manta ummadu gurmad bay u baahan tahaye uma baahna in la isku dhidhiyo”.