Kulankii Xaasaasiga Ahaa Ee Shalay Dhex Maray Saddexda Murashax Iyo Guddiga Doorashooyinka.+ Go’aani Socodkii KULMIYE

0
974
“Anigu Ciidagalena Ma Ihi, WADDANI-na Waa Koonteenar Habaryoonis, Waxaanu Ku Xidhidoona Quful..…” Faysal Cali Waraabe
“Anigu Ciidagalena Ma Ihi, WADDANI-na Waa Koonteenar Habaryoonis, Waxaanu Ku Xidhidoona Quful..…” Faysal Cali Waraabe

Guddida Doorashooyinka ayaa shalay shir xaasaasi ah u qabtay saddexda xisbi oo ay hoggaaminayeen saddexda murashax madaxweyne ee Waddani, KULMIYE iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe.

Shirkaas oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa guddiga doorashadu waxay ku soo bandhigeen natiijada uga soo baxday socdaal ay ku tageen gobalada dalka oo ay qiimayn ku soo sameeyeen goobihii ay dadku iska diiwaangeliyeen iyo in dadka kaadhka loogu gayn karo. Socdaalkaas waxay guddigu ku soo mareen 68 goobood, waxaana uga soo baxday in 60% aanay shacabkii isdiiwaangeliyay joogin goobihii kaadhadhka cod bixinta lagu siin lahaa, abaarta jirta darteed.

Waddani iyo UCID oo isku mawqif ah ayaa la sheegay inay qaateen go’aan ah inaan kaadhadhka cod bixinta la qaybin karin maadaama oo ay bulshadii hayaantay taas oo uu macnaheedu yahay inaanay doorashadu ku qabsoomi karin wakhtiga loo qorsheeyay, islamarkaana dadka abaaraysan loo gurmado. Laakiin xisbiga KULMIYE ayaa aaminsan in kaadhadhka la qaybiyo, doorashaduna ku qabsoonto wakhtigii loo qoondeeyay oo ah March 2017 islamarkaana gacana lagu codeeyo gacana loogu gurmado dadka tabaalaysan.

Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa VOA u sheegay in guddiga doorashadu u soo bandhigeen warbixin sheegaysa in tusaale ahaan gobalka Sool aanay 95% dadkii isdiiwaangeliyay joogin goobihii kaadhadhka loogu gayn lahaa, halka Sanaag ay 85% dadkii maqanyihin, Togdheer 67% dadkii aanay joogin, halka Maroodi-jeex oo ah gobalka ugu dadka badan ay dadkii ka hayaameen 57%.

Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlaya mawqifyada ay soo jeediyeen Waddani iyo UCID, wuxuu yidhi “Anagu waxaanu soo jeedinay lama qaybin karo [kaadhadhka] ilayn waa in la isla helaa qofkii iyo kaaadhkii, Muuse oo xisbi xaakimkii ahi waa la qaybin karaa ayuu yidhi, Waddani waa markii u horaysay ee aan isku mawqif ahaano wuxuu leeyahay lama qaybin karo.” sidaas ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaas raaciyay “Maanta waxaan qabaa in laga fikiro waar sidee dadkeena loo badbaadiyaa een laga fikrin sideed cod u heshaa, annagu ma ogolanayno, inaanu soo hadal qaadno doorashaba maaha, maanta haddii aan anigu madaxweyne ahaan lahaa dalka xaalad deg deg ah ayaan gelin lahaa, maantana dadkii oo bakhtiyaya ayuu xisbiga muxaafidku ku dul ololaynayaa, waad ogtahay oo lix bilood ayaanu baryaynay tii oo aan abaari jirin; oo 22 bilood ka dhigeen maanta oo uu jiro qodobkii distoorka loogu daray ee abaartuy ay yidhaahdaan doorasho ayaanu qabsanaynaa wax aanu ka yeelayno maaha.”

Faysal wuxuu sheegay in laga heshiin karo mudada la kordhinayo haddii la isu yimaado, “Laakiin.” ayuu yidhi, “70% tii oo ay dadkii maqanyihiin kaadhadh hala bixiyo waxaanu u aragnaa caqli aan umadda ka hadlayn.”

Cabdiraxmaan-Cirro

Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo u waramay idaacadda VOA, ayaa isna yidhi “Warbixintaasi waxay ahayd mid muhiima oo ay ku soo qiimeeyeen goobaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn gaar ahaan gobalada bari, waxaanay qiimayntaas ku xaqiijiyeen in abaar ba’ani ka jirto goobahaas, waxa kale oo ay qiimeeyeen in goobihii kaadhadhka lagu qaybinayay aanay 70% dadkii joogin goobihii kaadadhka lagu siin lahaa.” ayuu yidhi, isagoo intaas raaciyay “Inkastoonaan jeclayn inaanu ka hordhacno haddana waxaanu qabnaa in dhammaan muwaadiniintu xaq u leeyihiin inay kaadhadhkooda helaan si ay u codeeyaan.”

Cirro, wuxuu soo jeediyay in xaalada si weyn loo qiimeeyo islamarkaana la gaadho tallo qaran oo loo dhanyahay “Waxay ila tahay sababaha dib looghi dhigo in laga wada hadlo, annagu waanu qabnaa in xaaladaas si weynloo qiimeeyo. Tallo qaran haddii la isugu yimaado oo la wada qaato waanu qaadanaynaa.”

KULMIYE

Murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,oo ay warbaahintu isku dayday inay mawqifkiisa weydiiso, ayaa ka gaabsaday inuu saxaafadda la hadlo, bedelkiisana waa warbaahinta la hadlay afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Gaafaadhi, waxanau yidhi, “Waxaanu la kulanay anaga oo saddexda Xisbi qarana, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxay ka war bixiyeen diyaar garawgoodii, waxa maanta ka diyaar ah kaadhadhkii qaybintoodii, oo labada Gobol ee ugu horeeya gali doonaan bisha January 21-keeda, laba laba Gobol baana la galayaa, waxay kale oo noo sheegeen inuu qorshahoodu uu sidii yahay, in bisha March inay diyaar u yihiin inay Doorashadii qabtaan”.

Mar wax laga weydiiyey in madaama olole jiro, kaadh qaybintiina ay hadhay, wakhtiga hadhayna aad u kooban yahay inay Doorashadu ku dhici karto wakhtigaas kooban ayaa yidhi “Qorshaha jaan-gooyada ay na tuseen iyaga wakhtigoodu aad buu iskugu haagaagsan yahay, wakhtigii ay ugu talagaleen ayeyna Doorashadu ugu dhacaysa”.

Mar wax laga weydiiyey mawqifka Xisbiyada kale ee ah inay Doorashadu aanay wakhtigeedii ku dhici Karin madaama ay abaaro jiraan iyo mawqifka Xisbigiisa ayaa yidhi “Marka hore Komishanku isagu xaq uma leh inuu isagu ka hadlo taas, wixii loo diray ee loo igmaday ayey tahay inuu ka hadlo, saakana [shalay] waxaanu halkan kula wadaagnay hawshoodu halkay marayso, taasina waa arin kale oo cid kale ayey u taala”

Gunaanad

Waxa la dareemayaa kala duwanaansho dhinaca aragtida ah oo u dhaxaysa xisbiga KULMIYE iyo xisbiyada mucaaradka oo ku saabsan in doorashadu qabsoomi karto iyo inaanay ku qabsoomi kartin wakhtiga loo qoondeeyay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta darteed. Sidaas darteed waxa kulan labaad loo balamay Isniinta beri, inshaalah in la isugu yimaado.