“Mucaaraddada Xannuun Keedaan Garanayaa Oo Cirro Ma Doonayo Inaan Ku Talax Tago Oo Waan U Tudhayaa, Laakiin Inuu I Xag-Xagto Ma Aha”Jamaal Cali Xuseen

0
1026

Murrashixii hore ee madaxtinimada xisbiga UCID aqoon yahaJamaal Cali Xuseen, ayaa jawaab ka bixiyey hadallo dhawaan kasoo yeedhay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, kuwaas oo ku saabsanaa inuu gacanta ku hayo oo ay xisbigiisa ku biireen dhammaanba taageerayaashii uu lahaa murrashax Jamaal.

Aqoonyahan Jamaal oo magaalada Gabiley kala hadlayey qaar kamid ah taageerayaashiisa oo halkaas soo dhaweyn ugu sameeyey, ayaa uga digay guddoomiye Cirro inuu xaqiro  oo uu dafiro xaqiiqada, xilli uu bulshada marti uga yahay codkii uu madaxweyne ku noqon lahaa, “Cirro-oy dadka lama xaqiro oo lama dafiro haddii aad weliba madaxweyne ka doonaysid, indhahaana macallin ah, meel wal oo aanu tagnona taageerayaal baanu ku lahayn oo xisbi dhan baanu lahayn, way jiraan  shakhsiyaad door biday inay ku biiraan xisbiga WADDANI oo aan abaal u hayo ducona ugu daray, laakiin magacayga iyo dadkayga in la iga duudsiyo ma aha” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana farriin u diraya guddoomiye Cirro waxa uu yidhi,“mucaaraddada xanuunkeedaan garanayaa oo ma doonayo inaan kelmadihii ku haboonaa ku idhaahdo, Cirro-na ma doonayo inaan ku talax tago oo waan u tudhayaa oo waa nin madaxweyne u tartamaya, laakiin inuu I xag-xagto ma aha.”

Aqoon yahan Jamaal waxa uu si cad u sheegay in taageerayaashiisii iyo xafiisyadiisiiba uu si buuxda ugu wareejiyey xisbul-xaakimka KULMIYE,“Dadku af madhan bay wareejiyaane, anigu xisbiga KULMIYE waxan ku wareejiyey xafiisyo dhan oo qalabaysan, cuqaashaydii, salaadiintaydii iyo xildhibaanadaydiina waan wataa” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.