Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa xaruntooda Hargeysa kulan kula yeeshay Axsaabta siyaasadda Somaliland, kulankaasi oo ahaa mid aan loo ogolayn warbaahinta ayaa ujeedadiisu aheyd sidii komishanku ugu wargalin lahaayeen Axsaabta inaanay doorashadu xilligii hore loogu cayimay aanay ku qabsoomi karin xaalada Abaareed ee dalka ka jirta.

Kulankaasi ka dib ayaa madaxda Xisbiyadu warbaahinta uga warameen waxyaalihii kulankaasi lagaga wada hadlay iyo dareenka ay ka qaateen, xogwarankaasi oo dhameystiran halkan ka daawo Masuuliyiinta Saddexda Xisbi.