Sawiro: Xisbiga KULMIYE Oo Gawaadhi Uu Ugu Talo Galay Ololaha Doorashooyinka Kala Soo Degay Magaalada Berbera.

0
1727

Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ayaa dekeda magaalada Berbera kala soo dagay gawaadhi kala duwan oo lagu soo buufiyey calanka xisbigaasi, laguna soo sawiray murashaxiinta xisbigaasi ee madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Gawaadhidan oo isugu jira Land Cruisers iyo sidoo kalena xaajiyo ayaa loogu talo galay in lagu galo ololaha xisbiga ee dalka ka dhici doona bilaha soo socda sida la rajaynaayo.

Gawaadhidan ayaa dhowaan soo gaadhey magaalada Berbera ,iyada oo ay dalka ka jiraan abaaro aad u baahsan, kuwaas oo ah kuwo aanay suurtogal ahayn in doorasho dalka laga qabto, waxaanay tani u muuqataa mid aanu dadka dan kaga lahayn xisbiga KULMIYE.

Sidoo kalena lacagta gawaadhidan lagu soo iibiyey ayaa ah inteeda badani mid khasnada dawlada laga saaray, taas oo u muuqata in hantidii umada lagu gelaayo ololaha xisbiga KULMIYE.

Dhanka kalena guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa xalay kazoo noqday socdaalo ololaysan oo uu waqtiyadii ugudambeeyey ku maraayey goboladda Barriga Somaliland, isaga oo goboladaasi ugu deeqaayey lacago kala duwan oo kumanaan gaadhaayey.

Waxaanu seexday labadii habeen ee ugu dambeeyey magaalooyinka Laascaanood iyo Taleex oo ah goobo aanay inta badan madaxda Somaliland ku hagan , taas oo muujinaysa sida uu ololaha adag ugu jiro sidii uu u hanan lahaa hogaanka dalka.

Gawaadhidan kala duwan ayaa iyaguna ah kuwo lagu xoojinaayo ololaha uu hadda wado xisbiga KULMIYE iyo ka hadhow la geli doono labadaba.