Muuse Biixi ‘Wada socon maayaan hala ilaaliyo Musuq-maasuqa iyo inankayaga yaan la taabanin’

0
861
????????????????????????????????????

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Kulmiye ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbigaas, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xisbgiisu xooga saari doono haddii ay ku guulaystaan doorashada soo socota sidii loola dagaalami lahaa musuq-maasuqa.

Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hogaaminayo oo muddooyinkii u dambeeyay socdaal ku marayay gobollada bari ee dalka ayaa hadal uu ka jeediyay kulan ay habeen hore la yeesheen dhallinyarada magaalada laaascaanood ee xarunta gobolka Sool uu ku sheegay in musuq-maasuqa ay door ku leeyihiin dadweynuhu, maadaama oo ay u doodayaan masuulkii lagu eedeeyo inuu lunsaday hantida qaranka.

Muuse Biixi Cabdi oo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi. “Waxa uu musuq-maasuqu ka bilaabmaa geedka odayaaasha reer miyiga ahi fadhiyaan ee ninku waxa uu inaadeerkii galay uu ka qaban waayo, waxa uu ka bilaabmaa marka hantida dadka ka dhaxeysa la xalaashado ee la dabo-gali waayo, waa dhaqan inagu fiday labaatan kii sano ee ugu dambeeyay xukuumaddu waxay samaysay hay’adda la yidhaahdo maamul wanaaga iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa, laakiin weli may yeelan ilkihii iyo awooddii ay wax ku xakamayn lahayd haddii aynu helno doorashada xooga ugu weyn ayaynu saari han-tidhawrka oo hantida dawladda sideeda loo ilaaliyo, laakiin maxaa ka horeeya inteena halkan joogta inta Boorama joogtaa inay ku heshiiyaan haddii la yidhaahdo qof ayaa lacag xaday oo la soo qabto in suldaanka iyo hooyada odayga iyo dhalinyaro cadhaysani ay odhanayaan maxaa reerkayaga sidaa loo yeelay in ay soo baxayaan, wada socon maayaan hala ilaaliyo caddaalada iyo musuq-maasuqa iyo inankayaga yaan la taabanin.”

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray. “Ninka madaxda ahi waxa uu qabanayaa waxa uu dadkiisa kula heshiiyo, laakiin haddaad ka soo hor jeedsato masoconayso Kulmiye waxa uu idiin wadaa in qodobadaa aynu wada qaadano dhawaana waxa idin soo gaadhi doona barnaamijkii xisbiga oo boqol iyo toban qodob ka kooban.”