Mudanayaasha Xisbiga WADDANI Ku Leeyahay Golaha Wakiillada Oo Fad-qalalo Ka Abuuray Fadhigii Shalay

0
894
Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Gows Adaygaya Bixinta Qaadhaankii Ay Sheegeen Inay Mushaharkooda Uga Goynayaan Abaaraha.
Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Gows Adaygaya Bixinta Qaadhaankii Ay Sheegeen Inay Mushaharkooda Uga Goynayaan Abaaraha.

Fadhigii golaha wakiillada ee maalintii shalay, ayaa fad-qalalo iyo faro-saar kusoo dhammaaday, kadib markii ay qaar kamid ah mudanayaasha xisbiga WADDANI aqalkaas ku leeyahay diidmo ka muujiyeen lacago miisaaniyadda ugu jira hay’ado intooda badani aanay xukuumadda gacanteeda ugu oo dad gaar ahi maamulaan.

Fadhigan oo lagaga doodayey odoroska miisaaniyadda qaranka oo golaha hortaalla, ayaa keentay inay mudanayaasha qaar kamid ahi gacan ka-hadal sameeyaan, kadib markii doodahooda oo jaban awgeed cidi dhegaysan weyday, waxana ay halkaas ka bilaabeen qas iyo dagaal markii dambe sababay inuu fadhigaasi natiijo la’aan kusoo xidhmo.

Mudanayaasha kamaradihii madasha ku sugnaa qabteen iyaga oo dagaallamaya, ayaa waxa kamid ahaa Xildhibaan Siciid Gaane, Xildhiban Siciid Cilmi Rooble iyo weliba qaar kale oo xisbiga WADDANI kasoo jeeda, waxana la arkayey iyaga oo xildhibaanada qaarkood caagado biyo ah ku tuurayaan mudanayaal kale oo aragtidooda diidanaa.

Muddo Toban daqiiqo ku dhaw ayuu shir-guddoonku isku dayey inuu xaaladda dejiyo oo soo celiyo kala dambayntii golaha, balse taasi ma ay dhicin, waxana sii xoogaystay murankii iyo dooddii ay hoggaaminayeen mudanayaasha xisbiga WADDANI oo iyagu kusoo talo galay inay horjoogsadaan ansixinta odoroska miisaaniyadda oo ay u arkaan in sanadkan cid gaar ah loogu adeegayo.

Waxyaabaha ay calaamadiyeen eek u jira miisaaniyadda sanadkan, ayaa waxa kamid ah  lacago loogu daray garoonka Shulaac Stadium oo dhinaca waqooyi ee magaalada dhismihiisu ka socdo, isla-markaana si gaar ah loo leeyahay, hirgelinta dhisme uu yeesho madxafka SERYAN oo ay muwaadiniin is xilqaamay taariikhdii halganka ku ururinayaan, ururka suxufiyiinta SOLJA, waxana ay sheegeen inaan arrintaas la aqbali Karin, maadaama hay’adahaasi yihiin qaar cid gaar ahi leedahay oo aanay kamid ahayn hay’adihii qaranku lahaa.

Doodda miisaaniyadda, ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inay xarunta golaha kasii socon doonto, waxana lagu sii ambo qaadi doonaa inay xildhibaanadu aragtidooda ka dhiibtaan isbeddelada sanadkan ka muuqda iyada oo diiraddu saaran tahay hay’adaha aan dawliga ahayn ee sanadkan lagu soo daray oo kuwa aynu kor kusoo sheegnay ku jiraan.