“Weftigaas Si Kooban Baanu U Kulanay, Waxana Aanu U Wada Hadalnay Si Soomaalinimo Ah Dareenkaasi (Inay Midnimadu Soo Laabato) Waanu Wada Qabnaa”

0
926

Reysal Wasaarihii Hore Ee Dawladdii  Sh. Shariif Ee  Soomaaliya Oo Ka Warramay Kulan Nairobi Ku Dhex Maray Isaga Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Mulkiillaha WADDANNI

“Somaliland Waa dad Soomaaliyeed oo doonaya carruurta Soomaaliyeed La Mid Nqodaan Kuwa dalalka horumaray, taasina waxay ku imanaysaa midnimo”

“….Aniguna waxan u sheegay  in madaxda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ay isu yimaadaan oo ay mustaqbalka carruurtooda ka hor mariyaan siyaasadooda”

Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, Reysal Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Haatanna Ah Musharraxa U  Tartamaya Madaxweynaha Soomaaliya oo Fashiliyey inay Weftigii WADDANI ku Kulmeen Nairobi

Ra’iisal-wasaarihii hore ee Soomaaliya, haddana u tartamaya xilka Madaxweynaha dalkaasi Md. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa xaqiijiyey kulan dhexmaray weftigii Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ee socdaalka ku tagay magaalada Nairobi ee dalka badhtamihii bishan December. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waxa uu sheegay in Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro ay yeesheen kulan ay kaga wadahadleen midnimada Soomaaliya iyo sidii ay u gaadhi lahayd horumar ay kula tartanto adduunka intiisa kale. Musharax Farmaajo oo waraysi gaar ah siiyey telefishanka la yidhaa Kalsantv oo la waydiiyey inuu jiro kulan magaalada Nairobi ku dhexmaray isaga iyo weftiga Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ku jawaabay “Waa dad Soomaaliyeed oo runtii niyad wanaagsan oo doonaaya carruurta Soomaaliyeed iyo mustaqbalka Soomaaliyeed inuu la mid noqdo dalalka horumaray, taasina waxa ay ku imanaysaa midnimo, aniguna waxan u sheegay Soomaaliya haddii la rabo in carruurteenu ay carruuraha adduunka la tartamaan waa in madaxda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan isu yimaadaan oo ay mustaqbalka carruurtooda ka hor mariyaan siyaasadooda.” Mar la waydiiyey waxyaabaha ay ka wadahadleen Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu yidhi, “Weftigaas si kooban baanu u kulanay, waxana aanu wada hadalnay si Soomaalinimo ah oo walaaltinimo ah, dareenkaasna (inay midnimadu mar labaad soo laabato) waanu wada qabnaa.”

Hadalkan ka soo baxay Ra’iisal-wasaarihii hore ee Soomaaliya ee iminka u tartamaya Madaxweynaha dalkaasi Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ee uu ku caddeeyey inuu la kulmay Guddoomiyaha, ahna musharaxa xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigiisii dhawaan ka soo laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ku soo beegmay xilli la hadal hayo war hore u soo baxay oo sheegayey in Guddoomiye Cirro la soo kulmay Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya ee xilka haya oo isna u ordaya jagada Madaxweynenimo Md. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Warka kulanka dhexmaray weftiga Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo ay baahisay warbaahin fara badan oo ay ka mid yihiin wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya, waxase darifay oo beeniyey jiritaanka warkaasi Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro iyo masuuliyiin badan oo ka tirsan xisbigiisa.