Weedhihii Xanafta Lahaa Ee Guddoomiye Cirro Oo Dhaawacay Degenaanshihii Iyo Kalsoonidii Shacabka

0
1095

Waxa ay Markhaati Ka Noqdeen Giitaarka Colaadeed Ee WADDANI Dhexdiisa Laga Garaaco Iyo Carsho-carshaynta Nabadda iyo Deganaanshaha Dalka

Dhegaha Shacabka reer Somaliland, ayaa waxa weli kasii guuxaya weedhihii dhiigta lahaa ee uu dhawaan guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro hawada warbaahinta u mariyey dhiggiisa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi, kaas oo uu diiradda ku saaray sidii uu dibadda ugu soo faqi lahaa hiirtaanyooyin laga soo gudbay, ujeeddadiisuna ahayd sidii uu bulshada dib ugu soo celin lahaa wakhti horumar laga soo sameeyey.

Tan iyo intii uu guddoomiye Cirro weedhaha buqdiga iyo cadhadu ka buuxdo baahiyey, waxa cirka isku shareeray werwerka bulshadu ka qaadday weedhahaas iyo sida ula kaca ah ee uu guddoomiye Cirro ugu talo galay inuu bulshada dhexdeeda ka abuuro isku dhac cusub iyo abaabulka colaad cusub oo lagu mijo-xaabiyo qarankan horumarka ku jira.

Goobaha bulshadu iskugu timaaddo iyo weliba baraha bulshadu ku kulanto ee Social Media-yaha loo yaqaanno, ayaa kamid ah meelaha lagu lafo-guray weedhaha taariikhda baalka madow ka galay ee kasoo burqaday afka guddoomiye Cirro, waxana dadka intooda badani muujiyeen inuu hadalkaasi ahaa mid si ula kac uu guddoomiyuhu ugu talo galay inuu istaadho jawi nacayb iyo naxli ah oo uu ku kala faquuqayo bulshada deggen Somaliland.

Waxyaabaha ay bulshadii aragtiyahooda ka dhiibatay weedhihii kasoo yeedhay guddoomiye Cirro sida weyn isu weydiinayeen, ayaa waxa ugu weynaa sababta uu guddoomiyuhu ugu tiraabayo hadallada noocaas ah, xilli uu u xadhko-xidhan yahay inuu  dalka madax ka noqdo muddo  90-cisho ka yar dabadeed, balse waxa ay bulshada inteeda badani xuseen inay taasi calaamad u tahay rajo la’aanta uu guddoomiyuhu ka muujinayo inuu natiijo fiican kasoo hoyn karo codadka bulshadu dhiiban doonaan dhammaadka bisha saddexaad ee sanadka 2017-ka.

Rajo—xumada uu dareemay guddoomiye Cirro oo ay u weheliyaan fadeexadaha aanu weli u meel samaynin ee kasoo raacay safarkiisii uu ku tegay magaalada Nayroobi, ayaa loo nisbaynayaa inay sababeen hadalladii aan loo meel dayin ee uu guddoomiyu ku ganay dhiggiisa KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxana ay taasi marag u noqotay in hadafka Cirro noqday carsho-carshayn iyo ciidaynta guulaha soo carfaya ee lagu wado inuu xisbiga KULMIYE ka gaadho doorashooyinka soo socda, maadaama uu kaashanayo waxqabadka xukuumadda jirta iyo qorshayaasha shanta ee dambe oo lagu wado in dhawaan daaha laga faydo.

Hadallada cunfiga leh ee uu ku tiraabay guddoomiye Cirro, ayaa waxa ay durba sababeen inay bulsho badan oo rajo ka qabtay inay maalinta codka u janjeedhsadaan dhinaca xisbiga WADDANI candhuuftooda dib uliqaan, isla-markaana ka fikiraan inay u codeeyaan meel kale oo muhiimaddeedu tahay isku duubnida shacabka reer Somaliland iyo isku hayntooda, maadaama oo ay caddaatay inaanu guddoomiye Cirro diyaar u ahayn inuu wada-jirka iyo midnimada umadda iyo horumarkeedaba ka shaqeeyo.

Soo jeedimaha ugu dabadan ee ay bulshadu kaga fal celinayso weedhaha buqdiga xambaarsan eek a yimi guddoomiye Cirro, ayaa tilmaamaya inaan dheg loo dhigin xaaladda uu abuurayo guddoomiyuhu, isla-markaana lagu faro adaygo wada-jirka umadda iyo isku duubnidooda, waxana ay ku adkaysanayaan inaan la raacin ishaarada gurracan ee uu Cirro bixiyey.

Hadallada kala didinta iyo kala faquuqa bulshada loola jeeday ee guddoomiyuhu ku tiraabay wakhtigan xaasaasiga ah ee dalku doorashada gelayo, ayaa guuxoodu meel sare gaadhay, waxana loo arkaa qaar farxad geliyey cadowga Somaliland, isla-markaana dhaawac iyo waxyaallo daran u geystay midnimada shacabka iyo isku duubnidooda, iyada oo maanka lagu hayo in xagashada nabarrada bogsaday iyo qardoofooyinka wakhti hore oo laga soo doogay muujinayaan curinta colaad cusub oo lagu wiiqayo qarankan haatan taabbo-galka noqday.

Bulshada inteeda ugu badani waxa soo jeedinayaan in guddoomiyaha looga baahan yahay inuu raalligelin degdeg ah iyo xaalba ka bixiyo weedhaha kala firdhinta ah ee uu bulshada ku dhex tuuray, si uu usoo celiyo kalsoonadii shacabka ee uu dhaawacay, isla-markaana meesha uga saaro shaambadda cusub ee uu isku daabaqadeeyey ee muujinaysa inuu heegan ugu jiro sidii uu colaad sokeeye oo cusub u ibo furi lahaa.