Tuugi Weyne Ee Ku Shaqaysan Jiray Magaca Warbaahinta Oo Qacanta Lagu Soo Dhigay Tuuga

0
1470

Wiil uu Dhalay Marxuum Mujaahid Hassan Yoonis Habane oo Warbaahinta Somaliland Magaceeda ganacsatada ku Dhaca

Waa Dhibaatiyo Inkaar Wiil-kii aad u dhashay inuu Magac iyo Sharaf kuu Sameeyo oo Magaca kaa dila, iska daaye Xataa inuu ilaalin kari waayo maamuska iyo Milgaha aad umadaadda Somaliland ku dhex lahayd.

Alle Ha u Naxariistee Mujaahid Hassan Yoonis Habane

Waxa ay Warbaahinta Somaliland Khaatiyaan ka Taagantahay Wiil uu dhalay Alle Ha unaxariistee Mujaahid Hassan yoonis Habane oo ahaa Taliyihii Hore Ciidanka Qaranka Somaliland.

Waxa mudo bil ah nala soo xidhiidhaya Akhristayaasha iyo Macaamiisha Mareegta Wargane ee Somaliland Gaar ahaan Magaaladda Hargeysa kuwaas oo kacabanaya dhac iyo tuugnimo loogu geystay Magaca Shabakada wargane.

kadib waxaanu bilawnay Baadhitaan ku salaysan arinkaas waxanu soo ogaanay inuu arinkaasi jiro, Isla markaana uu yahay Wiilkan uu dhalay Mujaahid Hassan yoonis habane alle ha u naxariistee.
Maxamed Waxa uu sitaa Dhowr Number, waxana noo suurto gashay inaanu helno qaar ka mid ah oo dadka kala soo hadli jiray: 063 3282053, 063 4423582, 0633303793Wiilkan oo lagu Magacaabo Maxamed Hassan yoonis Habane ayaa waxa uu samaystaa Invoice & Receipt Shabakada ugu caansan Somaliland sida “Wargane.com, somalilandpress.com, haldoornews.com, halbeegnews.com, iyo qaar kale oo badan” sidoo kale waxa uu Sheegtaa inuu iska leeyahay Magazine da Dalka kasoo baxa.

waxa uu isku dayaa inuu raadiyo Warbaahinta laga leeyahay Dalka Dibadiisa Sida Wargane oo kale kadib Logo-da inta uu qaato ayuu ula tagaa Madbacadaha daabaca Invoice-yada kadibna waxa uu iska dhigaa inuu ka socdo Warbaahintaas Wuxuna ka qaataa Lacago uu leeyahay Wargeysyada iyo Website-yada ayaan warar iyo xayaysiisyo idiinku baahinayaa.

Maxamed waa Tuug Casri ah waxa uu Sameeya Marka Hore Meherad ayuu soo ogaada cida iska leh waxana uu iska dhigaa inuu qofka family giisa garanayo ama waalidkii ama walaalkii ama qof ay saaxiibo yihiin oo kale, si uu uga helo lacag qadimaad ah.

Hadaba Waxa aanu Bulshadda Somaliland, Xukuumadda, Warbaahinta iyo gaar ahaan reer Hassan yoonis Habane La socod siinaynaa in wax laga qabto wiilkan Umadiina dhibay Mujaahidkana Alle ha u naxariistee Sharaftiisa ku ciyaaraya.

Waxa sidoo kale Ganacsata Somaliland u Shegaynaa in Wakiilka Somaliland u jooga Shabakadda Wargane.com uu yahay Wariye Ahmed Yasin Lagana soo xidhidhi karo Ciwaanaddan hoos ku xusan:

E-mail: editor@wargane.com

Mob: 0634859322.

Waxa sidoo kale ka codsanaynaa Ganacsatada Magaca Shabakadda Wargane lagu Dhacay inay Nala Soo xidhiidhaan si aan Kiiska Ciidanka Booliska ugu Gudbino, Waananu ka raali galinaynaa Dhacaa ku dhacay.