“Dagaaladii Sokeeye Waxay Ahaayeen Nasiib Darro Innagu Wada Dhacday’e Cabdiraxmaannoow Ha Xoqin Meel Aan Kuu Xoqmayn Yaanu Maryo Aloolka Ku Taageersani Kaa Dareerine”

0
1178

“Dagaaladii Sokeeye Waxay Ahaayeen Nasiib Darro Innagu Wada Dhacday’e Cabdiraxmaannoow Ha Xoqin Meel Aan Kuu Xoqmayn Yaanu Maryo Aloolka Ku Taageersani Kaa Dareerine”

Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo kamid ah haatan xisbiga talada haya ee KULMIYE ayaa Nasiib darro kutilmaamay biyo dhaca weedho uu musharraxa madaxweynaha xisbiga WADDANI shalay ku duray dhigiisa xisbiga talada haya ee KULMIYE, kuwaasi oo baytal-qasiidkoodu ku dherernaayeen casru-jaahiligii ay colaadaha sokeeye dalka ka dhaceen ee sagaashamaadkii. Cali Gurey waxaa uu dhidar xabaallo qoday maseeyey hadallada ka soo yeedhay Musharraxa madaxweynaha eexisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo isaga oo ka jawaabaya eedo uu Muuse Biixi dorraad ku duray oo ku qotomay in baadhitaan lagu sameeyo safarkii ay wadanka Kenya ku tageen hoggaanka sare eexisbiga WADDANI kaasi ootuhunno badan ay ra’yul caamku ka qabeen ujeedadiisa, balse aakhirkii ay warbaahinta dalkaasi gaar ahaanna wargeyska afka dheer eeThe STAR loo yaqaannaa uu Jimcahan maanta jimcihiisii boggiisa hore ku soo daabacay warbixin sii hurisay tuhunkii ay bulshadu qabtay gaar ahaanna inta uu dareenka muwaadinimadu ku dheer yahay ee kasoo hor jeeda siyaasadda xisbiga WADDANI. Warbixintaas uu WArgesku qoray jimcihii hore waxaa ay farta ku fiiqday kulamo hoose oo weftiga WADDANI ay magaallada Nairobi kula qaateen Raysal Wasaraha Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhammaaday Cumar Cabdirashiid Cali Shar’ma’arke iyo qoddobo ay midnimo Soomaali weyn ugu muhiimsan tahay oo labada dhinac ka wada hadleen. Haddaba, Cali Gurey oo daba socday hadal shalay uu Cabdiraxmaan Cirro kaga jawaabayay baaqa uu Muuse Biixi dorraad qaranka ugu soo jeediyey inbaadhitaan dheer lagu sameeyo safarkii Weftigaas iyo kulanka ay la yeesheen madaxda soomaaliya, ayaa Cabdiraxmaan Cirro waxaa uu difaaciisa shalay ku soo daray weedho laga soo gudbay oo la xidhiidha xilliyadii dagaallada Sokeeye ee Somaliland soo martay, oo uu sababtooda dusha u saaray in uu Muuse Biixi Masuuliyadooda lahaa.

Falanqaynta Cali Gurey

Qoraal kooban oo xalay uu Cali Maxamed Yuusuf Ku Baahiyey barta uu ku leeyahay facebookga ayaa waxaa uu kaga hadlay hadallada ka soo yeedhay Musharrax Cirro oo uu kutilmaamay kuwo aan waxyeello mooyee waxtar u yeellanayn xisbigiisa iyo ollolihiisa doorasho, iyadoo taas bedelkeeda ay u qumaynayd buu yidhi inuu iska aamuso oo aanu siyaasadda xafiiltankeeda ka raadin meellaha qaar. Qormada Cali Gurey oo uu Cinwaan uga dhigay “AAMUS KUU ROON”, waxaa isaga oo ka hadlayaa biyadhaceeda uu ku bilaabay sidan: “Dhidar xabaal qoday qudhun buu uga dhacaa ayuu noqonayaa Hadalka Cabdiraxmaan, gaar ahaan inta ku saabsan ama khusaysa dagaaladii Sokeeye ee dalka ka dhacay oo aanu midna Caabdiraxmaan dalka joogin markii ay dhacayeen. Anigu waxan odhan lahaa keliya Cabdiraxmaanow halka aad xoqaysaa maaha meel siyaasad laga doono ninkii ka doonaana u malayn maayo inu ku macaashi doono. Dembiilena waxa noqda qof maxkamad sharci ah horteeda uu kaga cadaaday oo lagu xukumay. Hadal qof yidhi dembiile laguma noqdo. Dagaaladii sokeeye waxay ahaayeen nasiib darro inagu wada dhacday intii dhimatayna way inaga wada dhimatay. Adigu sidii ay wax u dhaceen xogogaal uma tihid lakiin hadalkaaga waxa laga dhadhamin karayaa in masuuliyadii oo dhan aad cid gaar ah ku moosayso mana jirto taasi ee waad qaldantahay. Waxan kugula talin lahaa ha ka dhigan kaadh aad shacbiga Somaliland taageero kaga doonto waayo in badan oo xogogaal ah ayaa nool. Waxa ka mid ah in badan oo xisbugaaga ka tirsan oo kaaga xogogaalsan oo aan kugu raacsanayn tafsiirka qaldan iyo sawirka beenta ah ee aad siisay wixii dhacay. Hadii aan sua’aal keliya kaa waydiin lahaa waxay noqon lahayd 15kii November 1984kii ayay xabadii ugu horeeysay ka qaraxday Caasimadda eh halkeey ka bilaabantay, yaa riday xabadii ugu horaysay yaase lagu riday? kamana jawaabi karaysid. Mar kale waxan ku leeyahay ha xoqin meel aan kuu xoqmayn yaan Maryo Aloolka ku taageersani kaa dareerin eh, Ku darsoo anigu Maryo aloolna maan ahayn, Maleeshiyana maan ahayn, mmarkii la is abaabulayayna shaqadaydu waxay ahayd oo aan ka shaqaynayay ABAABUL-KA-SAAR waanay kula joogaan markhatiyadii oo Maxamed Baaruud Cali oo Wasiir ahaa baa ka mid ah iyo Mujaahidiintii Gt Sayid Cali ee aan dhinacna raacin Hargeysana aanu wada joognay, gaar ahaan kuwii ka soo jeeday Beeshaada ee Garxajis. Muuse laftiisa waxan kula talin lahaa in aanu si toosa iyo si dadban midna uga jawaabin hadalka Cirro waayo uma baahna. Wa Bilaahi Tawfiiq”. Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Cali-gurey.