Xirsi Xaaji Cali Oo Qorshe Uu Beeshiisa U Ban-Dhigay Ay Ku Xidheen Shuruuddo Adag & Su’aallo Mad-Madow Galiyay Kulankoodii Hoose Oo Lays Waydaarsaday

0
917

Kulmo Hoose Oo Ay Yeesheen Beesha Uu Ka Soo Jeedo Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Ee Bariga Burco Iyo Siyaasigan Ka Soo Jeeda Deegaankaas Ayaa Waxaa Uu Xirsi Xaaji Cali U Soo Bandhigay Beeshiisa Qorshe Uu Kaga Dalbanayo Taageero.

Kulamadan Oo Ahaa Mid Gooni Gooni Ah Ay Waxaa Lays Waydaarsaday Hadal Aan Laysugu Aabo Yeelayn Sidda Xogo Hoose Hangoolnews U Xaqiijiyeen, Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Hadalka Ku Horeeyay Ayaa Beesha Uu Ka Soo Jeedo Ka Codsayday In Maanta Uu Ugu Baahan Yahay Hiil Iyo Taageeno In Lala Barbar Istaago.

Waxaanu U Sheegay In Maanta Uu Beesha Ugu Baahan Yahay In Ay Xoojiyaan Xisbiga Uu Ka Midka Yahay Ee Waddani.

Markii Uu Hadalkiisii Soo Gabagabeeyay Ayaa Waxaa La Waydiiyay Su,Aallo Ay Ka Mid Ahaayeen.

=Adigu Ma Sharaxan Tahay Aan Ku Taageernee?

= Ma Jirtaa Cid Reerka Ah Oo Ka Sharaxan Xisbigan Waddani?

=Axdi Ayaa Beel Noo Yaalay Reerka Muuuse Biixi Ana Reerka Ayaa Ka Mid Tahay Hadaanad Hayn Cid Sharaxan Xageen Ka Marnaa Balantii?

Sidda Xogahani Ay Xaqiijiyeenna Waxaa Uu Xirsi Xaaji Cali Markii Dambe Ku Tiraabay In Ay Jiraan Qaar Ka Mida Reerkiisa  Oo U Sheegay In Uu Xataa Abaal U Galay Markii Uu Wasiirka Madaxtooyadda Ahaa,

Waxaanu Ku Tiraabay Kuwaan Baabuurta Qaaliga Ah U Iibiayay Iyo Kuwaan Gacan Qabtay Ayaa Iigu Daran.

Kulankan Hoose Ee Uu Xirsi Taageerada Ku Raadinayo Ayaa Wali Socdo Inkasta Oo Ay Beeshiisu Su,Aallo Adag Oo Aan Intooda Badan La Qariyay Ay Halkaasi Ku Waydiiyeen Hogaamiyaha Waddani.

Ugu Dambeyn, Xirsi Xaaji Cali Ayaa U Muuqda In Uu Waji Gabax Kala Kulmay Kulamaddan Hoose Waxaana Loolan Adagi Ka Dhexeeyaa Wasiirka Booskiisii Badalay Ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Kala Jiidasho Reerahooda Ahi Ka Dhexeeyo.