Hargaysa Oo Laga Daah-Furray Shirkadda Adeegga Sharci Ee Barrigga Afrika Iyo Bahda Cadaaladda Oo Ka Qeyb-Gashay

0
989

Waxa Magaaladda Hargaysa,gaar ahaana Hoteelka Ambasaddor lagaga dhawaaqay Shirkadda Nooceeddu ku cusub-yahay Suuqa,taas oo ka shaqayn doonta Baahiyaha Adeegadda Sharci ee Qeybaha Bulshadda Somaliland.

Munaasibadan oo si heer sare loo soo agaasimay,ayaa waxa kasoo qeyb-galay Wasiirka Cadaaladda,Guddoomimaha Maxkamada sare ee Somaliland,Guddoomiayaha Ururka Qareenadda Somaliland,Madaxweyne Ku-Xigeenkii hore ee Somaliland,Cabdiraxmaan Aw Faarax,Suldaanka Guud ee Beellaha Galbeedka Iyo waqooyigga Hargaysa,hoggaanka sare ee SONSAF iyo Madax kale oo tiro badnaynd.

Ugu horayn waxa halkaasi hadal ka jeediyay Gudoomiyaha Shirkaddan,Maxamed Siciid Xirsi,waxaana uu ka sheekeeyay waxyaabihii  inay Shirkaddan sameeyaan iyo Baahiyaha u muuqday,waxaana uu intaas raaciyay inay sidoo kale ay xaruntanni noqon doonto mid tababaro iyo gacan-qabasho-ba siisa Dhalinyaradda Jaamacaddaha kasoo barata aqoonta Sharcigga ““Shirkaddan waa mid ku cusub dalkeena,marka la eego qaabkan ay u samaysan tahay iyo shaqooyinka ay bulshada u qaban doonto. shirkadda Easta Africa Law Firm, waxay noqon doontaa xaruntii lagu tabobarayey dhalinyarada doonaysa inay ku shaqeeyaan sharciga, waxaanan siin-doonaa duruustii iyo qawaaniintii sharciga ee looga baahnaa inay la’haadaan dadka ku shaqaynaya mihnaddan sharciga”. Waxa kale oo Gudoomiyuhu Sheegay inay Shirkaddan ay aas-aaseen Garyaqaanaddii dhidibadda u taagay Ururka Qareenadda Somaliland ee SOLLA.

Madaxweyne Ku-Xigeenkii hore ee Somaliland,ayaa isna halkaasi ka hadlay,waxaana uu sheegay inay Shirkaddani tahay mid loo baahan-yahay,isla-markaasna waxa uu usoo jeediyay Garyaqaanadda Shirkaddan ku midoobay inay u dhabar-adaygaan ka-midho-dhalinta Shirkaddan,si ay u gaadhaan Himiladii ay u aas-aaseen.

Aqoon-yahan Cabdiraxmaan Cadami oo isna halkaasi ka hadlay,ayaa sheegay inay Shirkaddani wax weyn ka bedeli doonto Baahiyihii kala duwaanaa ee loo qabay adeegyadda Sharci,shaqsiyaad iyo Shirkaddaba,waxaana uu hoosta ka xariiqay inay Dalka kusoo badanayaan Shirkaddo ay leeyihiin Dad ajaanib ah,isla-markaasna loo baahan-yahay in la taageero Shirkaddaha waddanigga ah ee noocan oo kale ah. ““farxad weyn bay ii tahay aniga iyo shacabka Somaliland-ba in la furo xafiiska shirkadda adeegga sharciga ee East Africa Law Firm.shirkaddani waxay  kusoo beegantay wakhtigeedii loo baahnaa, waayo dadkii waxay khaati ka taaganyihiin Looyar wareegaya oo aan xafiis-ba lahayn, meel ay ugu soo hagaa-gaanna aan lahayn,balse maanta hadii la furay shirkaddan cusub  waxaan filayaa inay is  helidoonaan dadkii iyo sharicigii”.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Daladda ay ku midoobeen Ururadda aan dawligga ahayn ee SONSAF,waxaana uu sheegay  inay DALAD ahaan soo dhaweynayaan in la sameeyo Shirkaddan adeegga sharci ““Anigoo ku hadlay afka Dalladda ururrada bulshada rayidka ah ee SONSAF,waxaanu soo dhaweynaynaa shirkaddan cusub ee adeegga sharciga, waxaanan diyaar u anahay inaanu la shaqayno”.Ayuu yidhi Mustafe Sacad.

Waxa isagguna halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Looyaradda Somaliland ee SOLLA,isaga oo sheegay inay si weyn usoo dhaweynayaan Shirkaddan.

Gabo-gabaddii waxa xafladdaas oo xidhay Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland,Aadam Xaaji Cali Axmed,waxaana uu halkaas dar-daaranno kala duwan ugu soo jeediyay Looyaradda dhidibadda u taagay Shirkaddan,isaga oo usoo jeediyay inay ka fogaadaan wax-kasta oo dhaawici kara inay  Shirkaddu hoos-u-dhac ku yimaaddo.Waxa kale oo uu Adam Xaaji Cali tilmaamay inay Bahda Cadaalad-ahaan la shaqaynayaan Shirkaddan,isla markaasna ay gacan-qaban doonaan.

Magacyadda Looyaradda Shirkaddan Ku Midoobay;

  1. Maxamed Siciid Xirsi
  2. Xuseen Maxamed Cabdilaahi (Xuseen Shabeel)
  3. Fawsi Macallin Yoonis
  4. Jaamac Cilmi Xaashi
  5. Cabdiraxmaan Ibraahim Caallin
  6. Xamse Maxamuud Xasan
  7. Aamina Cusmaan Xasan
  8. 8.Cabdiraxmaan Aadan Cabdilaahi