Farriin Xambaarsan Dhawaaqa Fiinta Oo ay Guddida Doorashada Soomaaliya U Direen Xubnaha Aqalka Sare Ee Somaliland

0
1028

Waxaa Uu Werwer Kasoo Food-saaray Ku Dhawaaqida Natiijada Doorashada Xubnaha reer Somaliland ee Galaya Aqalka Sare

“Hay’adda Keliya Ee Ku Shaqada Leh Go’aaminta Xilliga Ay Doorashada Sare Ee Somaliland Bilaabmaysaa Waa Annaga”

Guddiga doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inaanay jirin cid awood u leh go’aammada Shaqada doorashada, hase-yeeshee ay Guddi ahaan yihiin Hay’adda ugu sarraysa ee go’aamin karta wakhtiga ay doorashada Aqalka Sare ee Xubnaha Beelaha Somaliland ka soo jeeda ee lagu dooranayo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ku dhawaaqidda natiijooyinka iyo wixii la mid ah. Waxay Guddiga doorashooyinka Dadban Heer Qaran ee Federaalka Soomaaliya sidaa ku sheegeen Qoraal kooban oo ay Khamiistii dooraad ka soo saareen magaalada Muqdisho ee xarunta dalkaasi, wakhti ay gebo-gabo ku dhawday doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya u metelaya Beelaha Somaliland, isla markaana ay hadhsan tahay doorashada Xubnaha Golaha Sare ee Somaliland u dhashay uga mid noqon doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Guddiga Doorashooyinka Dadban Qoraalka ay soo saareen oo u muuqda mid ay ku joojinayaan Farogelin cid aan iyaga ahayn oo Shaqadaa isku dayey ama isku dayi-kara sida uu Warkoodu u dhadhamayo, waxaanu Nuqul ka mid ah Qoraalkaas oo uu Wargeyska HUBAAL Helay helay u dhignaa sidan:- “Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) xilalkiisa iyo waajibaadkiisa waxaa ka mid ah; kormeerka hannaanka doorasho, hubinta hab-raaca, go’aaminta ku dhawaaqidda waqtiga doorashadu bilaabmayso ama gebo-gabawdo iyo ku dhawaaqidda natiijada Musharrixiinta ku guulaystay doorashooyinka Baarlamaanka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka. Sidaa darteed, Guddigu wuxuu ku wargelinayaa Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in uu (GFHDD) yahay Hay’adda keliya ee ku shaqada leh go’aaminta xilliga ay doorashada Aqalka Sare ee Somaliland bilaabmi doonto iyo xog kasta oo arrintaas ku saabsan.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka kooban ee ay soo saareen Maanta Guddiga Federaalka doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya.