Garabka Toosinta iyo caddaalada ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa wadal toosa maanta la furay xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE.

Wada hadalkan oo ahaa mid ay kala hogaaminayeen labada masuul ee Axmed Muumin Seed iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa ku  soo dhamaaday jawi guul iyo is af-garasho ah.

Ugu horeyn gudoomiyaha xisbiga garabka toosinta iyo caddaalada ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Axmed Muumin Seed oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Garabka aan gudoomiyaha u ahey ee caddaalada iyo toosinta ee xisbiga WADDANI iyo ka KULMIYE iyo garabkan ka socda dhanka xisbiga KULMIYE si rasmiya ayuu wada hadalku u bilaabmi doona, waxaananu Illaahay ka rajeynaynaa inuu si guula wada hadalkaasi noogu dhammaan doono, waala wada hadlayaa koley wada hadalkaasina warbaahintu goob joog ayay ka noqon doontaa, waananu idiin soo gudbin doona maantana wada hadalku si rasmiya ayuu Maansoor Hutel uga furmay”

Dhanka kale waxaa garabka xisbiga KULMIYE u Hadley gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi oo sheegay inay soo dhaweynayaan garabkani ka soo go;ay xisbiga WADDANI waxaanu yidhi “Anagu hadii aanu KULMIYE nahay shirkani aanu idiinla nimid waxaanu idinku nimid niyad wanaagsan, waxaananu la nimid xaashi cad, go’aanka-yaga danbana waxaa uu yahay wax Alle iyo wixii aynu isku raaci kareyno, ee dalkeena u dana ee qaranimada Somaliland u dana, ayaa naga diyaara, waananu og nahay inaad tihiin ragi iyo hablihii WADDANI soo dhisay , ee Ilaahay shirqoolka ka badbaadiyay, waanu idiin baahanahay dalka idiin baahan.