Wasiirka Duulista oo Beeniyay Inay Dawladda UAE Saldhig Millatari ka Siiyeen Berbera

0
1277

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay inaanu jirin heshiis la xidhiidha in dawladda Imaaraadka carabtu saldhig milatari ka sameysato magaalada Berbera oo labada dawladood kala saxeexdeen, waxase uu ku dooday in arrintaasi ahayd mid la isla soo qaaday oo aan si rasmi ah loo sii gudo-gelin.

Wasiir Farxaan Aadan Haybe, waxa kaloo uu tilmaamay in heshiiskaasi uu faa’iido u leeyahay dalka, hase yeeshee marka hore loo baahan yahay in xukuumaddu Goleyaasha Baarlamaanka ka hesho ogolaansho rasmi ah. “Waxaan idiinku yeedhay Wargayska Ogaal iyo Wargayska kale ee Geeska Afrika, waxa saaka ku soo baxay oo ay laba ciwaan ku sameeyeen oo aan iyagana uga mahadcelinayo xogtaa inay soo qoraan, Ogaal Waxa uu yidhi “maxaa ka jira inay Somaliland iyo imaaraadka carabtu kala saxeexdeen heshiis saldhig military oo 25 sanno ah?”, Geeska Afrikana waxa uu qoray “Dawladaha Somaliland iyo imaaraadka oo kala saxeexday heshiiska saldhigyo militari oo Madaarka iyo Dekada Berbera la siinayo imaaraadka Carabta.”

Labaduba waxay soo xigteen journal caalami ah kuwa (Electronic) ah oo la yidhaa Shephard Media, Jariirada ay soo xigteen waxay ka hadashaa arrimaha militariga iyo arrimaha Baddaha Ciidamada iyo cirka Dhulka waxyaalahaas ayay ka hadlaan inta badan wixii militariga la xidhiidha ayay ka hadlaan. ninka qoray waxa uu qoray 20/12/2016 waxa la yidhaa Cawad Mustafa oo waxa uu joogaa Dubai waana nin odorosa waxyaabahaas ayaa maqaalkan soo qoray. Waxaan jeclahay maqaalkaa waxna waa ka run oo horeba waan u sheegay waxna waa waxaan jirin inaan markaa waxaan doonayaa inaan caddeeyo wixii aan jirin, wixii jirana sheego, sidii aan horeba u sheegay,”ayuu yidhi Wasiirka Duulista hawada, Farxaan Aadan Haybe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa.

Wasiir Farxaan Aadan Haybe oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray “Ninkaas maqaalka qoray waxa uu xiganayaa kulankayagii September Madaxwaynuhu weftigii uu hoggaaminaayay ee markii aan ka soo noqday halkan kulanka idiink qabtay oo ahayd inaan ka soo wada hadalnay oo Isfahan ka yeelanay saldhig military Imaaraadka Dawlada Somaliland siiso, Madaxwaynuhuna ka aqbalay codsigoodii ay noo soo jeediyeen wax qarsoona may ahayn, waxaanu qarinaynana may ahayn, laakiin waxa qalada oo aan u arkaa inay tahay waxaan jirin inay yidhaahdaan heshiis baa la galay. heshiis hadduu jiro ha keenaan heshiiskaasi waxa uu ahaa.”

“Madaxwaynuhu codsigaa Imaaraadka Carabta khaasatan Imaarada Abu Dubai ay u soo jeedisay Madaxweynaha ee ay yidhaahdeen waxaanu doonaynaa inaad saldhig militari aad naga siisaan Berbera. Madaxwaynuhu wuu ka aqbalay waxaanu soo jeediyay oo uu ku yidhi dee Qaran jiraanu nahay Dawladnimadiisa leh iyo nidaamkiisa qaab dhismeedkiisa Golayaal leh, sharci dejintii leh waxna awood dhammaystiran baan u leeyahay ka Madaxwayne ahaan, waxna waxay ku xidhan yihiin shuruucdii iyo in la mariyo Golayaasha Qaranka, markaa wuxuu yidhi aan isku noqono oo xeerkayagii soo eegno sidoo kalena aan Golaha Barlamaanka horgayno in ogolaanshiiyo naloo siiyo oo aan wadaxaajoodka galno in Madaarka Berbera saldhig militari laga dhigo,”ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.
Wasiir Farxaan oo hadalkiisa sii watay wuxuu ku dooday “Arrintiina ilaa hada odoroskeedii iyo naaqishaadeedii ka xukuumad ahaan waanu ku jirnaa laakiin wax la horgeeyay Golihii Barlamaanka maaha haddii heshiis la soo galona taa maanan nidhaahneen maanta. Ma jiro heshiiskaasi heshiis la galayna, ma jiro heshiis aan saxeexayna ma jiro dabadayna Madaxweynaha oo tegay oo arrintaa ka hawlgalay ma jirto, dabadayna Gole Wasiirro oo dawlada Imaaraadka kala hadlayna ma jiraan arrintaa, waxaan caddaynayaa inaanay jirin saldhigaasina, qoraalka 25 sanno ayaa ku qoran, lagama wada hadalba.shuruudaha iyo wixii lagu heshiinayo waxa la geli karayaa, marka Madaxaweynaha ay siiyaan ogolaansho Goleyaasha xeer-dejintu,”

Wasiirka oo tilmaamaya in aan arrintani ka suuro gali Karin in uu kaligii galo, ayaa waxa uu yidhi: Madaxweynuhu waxa weeye hogaankii Qaranka, lexo jeclo badan ayuu Dalkan ka leeyahay, Naftiisa iyo dhiigiisaba wuu u soo horay waa Oday ruugcadaaya oo Siyaasiya, maaha Nin duminaaya oo qaabdhismeedkeenii iyo Qaranimadeenii meel kaga dhacaaya, DP Word ayaa keedii la horgeeyay, lama canka mudin ee waa la horgeeyay, kana maalintaa sidaa si leg ayuu go’aan ugu gaadhay in ku ixtiraamo, in uu horgeeyo, in loo ogolaado xitaa wada hadal in uu ka galo, maalintaasna waxa ay u taala in uu u yeedho Madaxweynuhu Golayaasha, oo uu arintaas kala tashado,”

Wasiirku ku dooday in heshiiskaas haddii Somaliland gasho ay faa’iidooyin kala duwan ka kasban doonto, waxaanu yidhi “Waxaan aaminsanahay oo aan maantana ku celinayaa, waa wax Dalkeenan faa’iido u leh, ninka halkaa maqaalka ku qorayna wuu sheegay, in uu Dalkeena faa’iido u leeyahay.waxaanu leenahay kolay wixii la sameeyo ee hadhaw heshiis lagu galo, Qarankeena ayaa u aayaya, shaqo abuuris ayaa laga helayaa, damaanad wanaagsan ayey innoo noqonaysaa maadaama aynaan ahayn wadan la aqoonsan yahay.”