Baratanka Saylici Iyo Maxamed Cali Oo Boorama Hadheeyay .

0
1139

Tobankii maalmood ee u dambeeyay waxa ay magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal hoy u noqotay loolan siyaasadeed oo u dhexeeya KULMIYE iyo Waddani, haddana geesta kale u dhexeeya labada murashax madaxweyne-xigeen ee labadaas xisbi.

Labadan murashax oo kala ah murashaxa madaxweyne-xigeen ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici oo haddana ah madaxweyne-xigeenka iyo Dr. Maxamed Cali Cabdi oo isna ah murashaxa madaxweyne-xigeen ee xisbiga Waddani, waxa loolankooda si weyn looga dareemay magaalooyinka kala duwan ee gobalka Awdal.

Baratanka labadan siyaasi ayaa wuxuu saamayn ku yeeshay madaxda dhaqanka gobalka Awdal oo u muuqda inay si aan hore loogu arag ugu kala qaybsanayaan kala taageerista madaxweyne-xigeen Saylici iyo danjire Maxamed Cali.

Md. Saylici, oo u muuqday tan iyo markii uu murashaxan ay isku gobalka yihiin saaxadda ku soo kordhay, inuu la yimid dhaqdhaqaaq iyo olole aan lagu arag toddobadii sannadood ee uu xilka hayay, ayaa wuxuu toddobaadkii hore magaalada Borama ku soo qabtay shirar doceedyo iyo kuwa kale oo balaadhan oo uu ku weheliyay murashixiisa madaxweyne-xigeen Muuse Biixi Cabdi.

Mr. Saylici wuxuu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay inuu soo xero geliyo bulshada uu ka dhashay Axmed Muumin Seed, oo ka cadhooday natiijadii shirkii golaha dhexe ee xisbiga Waddani , waana sababta koowaad ee uu Saylici markii uu ka soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta u tagay magaalada Borama si uu taageero uga raadsado bulshada uu Mr. Muumin Seed ka soo jeedo.

Dr. Maxamed Cali oo isagu maalmahan uu Saylici Borama ku sugnaa safar ugu maqnaa magaalada Nayrobi, ayaa isna la filayaa inuu dhawaan bilaabo socdaal uu ku tago magaalada Borama, iyadoo la filayo inuu isna soo jabsado qayb ka mid ah taageerayaashii Axmed Muumin Seed, mar haddii ay degtay xumadii ka dhalatay shirkii golaha dhexe ee qardoofka siyaasadeed keenay.

Haddaba, Saylici oo 7 sannadood soo ahaa madaxweyne-xigeen iyo diblomaasigan hadda ku soo biiray siyaasadda Somaliland ee orodka ugu jira inuu ku fadhiisto kursiga uu Saylici ku fadhiyo, waxa u yaala baratan iyo loolan siyaasadeed oo adag, kaas oo haddaba san-saankiisa la dareemayo.

Marka si guud loo eego jawiga uu loolankoodu ku socdo, waxa ay u dhowdahay in Saylici hantiyo qaar ka mid ah salaadiinta gobalkaas ee codka dheer oo u hadli doona in mar labaad la doorto, dadkana u weydiin doona taageero, halka la filayo in danjire Maxamed Cali isna hantiyo quluubta dhallinyarada wax baratay qaarkood maadaama oo uu yahay aqoonyahan, kuwaas oo iyaguna albaabada u garaaci sidii uu taageero u heli lahaa, islamarkaana u heli lahaa codka gobalkaas.

Si kastaba ha ahaate, bulshada reer Awdal waxa ay isha ku hayaan in Saylici oo toddobadii sannadood ee uu xilka hayay dabcigiisa siyaasadeed ka fogeeyay rag badan oo gobalka miisaan ku leh oo doorashadiisiina ka shaqeeyay, uu adkaysan doono taageerada gobalka Awdal iyo in diblomaasigan oo ah nin af gaabani uu si sanqadh yaraan ah oo diblomaasiyadeed ugala wareego gobalka Awdal.