“Safiirka Turkiga Iyo Caalamkaba Waxaan Leeyahay Somaliland Ixtiraama, Oo Aqoonsiga Siiya”Ibraahim Axmed Raygal

0
900

Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay safarka uu Somaliland ku yimid Safiirka Turkiga ee Somaliya, oo dhawaan sheegay in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee ay gogosha u fidyeen tahay mid loogu gogol xaadhayo midnimada.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa yidhi “Safiirka Turkiga isagoo jooga Magaalada Muqdisho wuxuu meel kaga dhacay madax banaanida iyo jirtaanka Somaliland, waxaanu sheegay in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya looga goleeyahay midnimada, waxaana u haboonayd inuu ixtiraamo dalka iyo dadka reer Somaliland, balse maanta haddii uu inoo yimid inagu weynu soo dhaweeynaynaa, madaama uu inoo yimidna wax badan ayuu xaqiiqdii ogaan doonaa, oo waxa uu ogaan doonaa horumarka dhinaca kasta ah ee ay gaadhay Somaliland, Nabad galiyada ka jirta iyo farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, balse waxaan leeyahay Safiirka Turkiga Somaliland iyo Somaliya markii hore iskumay jirin, ee waxay kala ahaayeen laba dal, oo Somaliland waxa haystay Ingiriiska, Somaliya Talyaaniga, markii labaduba xoriyada qaateen, ayey isku tageen oo Somaliland waxay doonaysay inay Shanta Somaliyeed midoobaan, oo Hargeysa ayaa looga ololaynayey, balse nasiib daro taasi may dhicin, ka dibna Somaliland xoriyadeedii wey la soo noqotay, ee waxaan leeyahay Safiirka iyo guud ahaan Caalamkaba Somaliland ixtiraama, oo aqoonsiga siiya”