Dawladaha Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta Oo Kala Saxeexday Heshiiska Saldhigyo Milatari Oo Madaarka Iyo Dekedda Berbera Lagu Siinayo UAE

0
894

Dawladda Imaaraadka Carabta iyo dawladda Somaliland ayaa kala saxeexday heshiis milatari oo ku saabsan sidii Imaaraadka Carabtu saldhigyo milatari ugu yeelan lahaa magaalada Berbera.

Warbaahinta Shephard Media oo uu fadhigeedu yahay Ingiriiska, ayaa shalay baahisay in xubno ka tirsan dawladda Imaaraadka Carabtu ay u sheegeen in Somaliland iyo Imaaraadku ay heshiis isfaham  kala saxeexdeen toddobaadkii u dambeeyay ee bishii September oo ay wefti Somaliland ka socdaa safar ku tageen dalkaas Imaaraadka.

Warbaahintani waxay sheegtay in sida ay xogahani u sheegeen in saldhigyada milatari ee Imaaraadku isugu jiraan saldhig cirka ah iyo saldhig badda ah, waxaana dhulka la siiyay uu ka koobanyahay 40km oo laba jibaaran oo ka kooban madaarka Berbera iyo badda afkeeda oo lagula galay heshiis ah 25 sannadood oo la cusboonaysiin karo.

Sida ay warbaahintani sheegtay Somaliland waxyaabaha lagaga bedeshay saldhigan waxa ka mid ah tababar amni, taageerada iyo ilaalinta Somaliland.

Dawladda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino warkan ayaanay noo suurtogelin. Laakiin xukuumadda ayaa hore u sheegtay in Imaaraadka Carabtu ka codsaday Madaxweyne Silaanyo in la siiyo saldhig milatari, kaas oo ay sheegeen inaanu Madaxweynuhu weli go’aan ka gaadhin.