“Cabdiraxmaan Cirro Musharaxnimada WADDANI iyo Guddoominta Baarlamaanka Ha Kala Doorto” Afhayeenka KULMIYE

0
934

Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ahna Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Waddani usoo jeediyay inuu kala doorto Kursiga Golaha wakiilada iyo Musharaxnimadiisa, maaddaama doorashadii madaxwaynaha ay ka hadheen Saddex Bilood oo kaliya.

Afhayeenka Xisbiga Kulmiya Xasan Gafaashi oo wareysi Siiyay Star Tv ayaa sheegay in Guddoomiye Cabdiraxmaan u diyaar garoobo tartanka Doorashada Madaxtooyada islamarkaana uu baneeyo Kursiga Golaha wakiilada.

“Cabdiraxmaan Cirro Saddex bilood ayaa ka hadhey doorashadii ee kala doorto Musharaxnimada iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada”ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi waxaanu intaasi ku daray “Xisbiga Kulmiye waa u diyaar doorashada ee Cabdiraxmaanoow adiguna diyaar noqo”

Dhinaca kale, Afhayeenka Xisbiga Kulmiye waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye u tartamayo xisbiga Isagoo askari ah oo aanay ceeb aheyn, laakiin aanay jirin sabab Guddoomiyaha Waddani ku dhaliilo askarinimada Musharaxa Xisbiga Kulmiye maaddaama ay shaqo fiicantahay askarigu oo uu xil wayn u hayo qaranka.

Gabagabadii waxaa uu Afhayeenka Kulmiye ka sheekeeyay Safaro xisbigiisu ku tagay Gobolada Bariga iyo Galbeedka Somaliland kuwaasi oo uu sheegay inay Guulo kasoo hooyeen islamarkaan ay taageerayaal badan kusoo dhaweeyeen.